Mustaqbalka Isticmaalka Taleefoonka Iphone oo ay Su’aalo ka taagan yihiin, kadib iscasilaadii ninkii maskaxda u ahaa Shirkada Apple.

undefinedHalkaan ka akhri

Agaasimihii shirkadda Taleefoonada Apple oo lagu magacaabo Steve Jobs ayaa iska casilay shaqadii shirkaddaasi uu ka hayay mudada dheer, waxaa uuna ahaa qofka ka dambeeyay horumarka laga gaaray Taleefoonada qaaliga ah ee aadka loo jecelyahay ee lagu magacaabo Iphone iyo qalabka Ipod  oo ah labada ay caanka ku tahay shirkadda Apple.

Steve Jobs oo ku jiray fasax caafimaad ilaa horaantii sanadkan ayaa ka tegistiisa shirkadda waxaa lagu macneeyay mid keeneysa su’aalo badan oo ku saabsan Qalabkaas iyo mustaqbalka company-ga.  Jobs ayaa fasaxii caafimaad ee ugu dambeeyay uu ahaa kii seddaxaad oo uu ku baxo ilaa intii lagu sameeyay qaliin kansarka xamiidada ah sanadkii 2004tii, labo sano ka horna waxaa loo geliyay beer.

Warqad uu u qoray guddiga maamula shirkadda Apple ayuu Jobs ku sheegay hadii ay jirto maalin uusan shaqada wadi karin aggaasime ahaan inuu ogeysiin doono balse nasiib daro wuu sii watay shaqadiisa iyadoo maalintaasi timid.

Qoraal ay soo saartay shirkadda Apple ayey ku sheegtay in Jobs oo 56 jir ah uu shaqada iska casilay Arbacadii la soo dhaafay, waxayna guddiga maamula shirkadda agaasime u magacaabeen Tim Cook kaddib Steve soo jeedintiisa.

Shirakdda Apple waxaa Aas aasay Steve jobs oo kaashanayay Steve Wozniak sanadkii 1976-dii iyadoo shirkaddaana ay soo saartay Macintosh (Macintosh) markii ugu horeeysay 8 sano kaddib waxaana guddiga shirkadda maamusha ay ku qasbeen inuu Steve Jobs shaqada ka tago balse wuxuu ku soo laabtay sanadkii 1997 si uu u hogaamiyo iyadoo markaas kaddib noqotay shirkadda ugu horumarka iyo faa’dada badan Adduunka.

Jobs oo lagu yaqiin inuu ahaa nin aad u qatar-qaadasho badan ayuu Jonathan Taplin oo ah qabiir xagga warbaahinta jaamacadda Southern California ku sheegay inuu sidoo kale ahaa furaha ama maskaxda hindisaadda Digitalka xilligan taas oo keentay xiisaha uu u qabo Jobs dhinca design-ka in IPod Music player uu noqdo Ipad Tablet computer.

‘Waxay Apple leedahay naqshad nadiif ah oo aan si aan la maleyn karin u shaqeysa waa hab caadi ah oo fudud isticmaalkeeda taasina waa waxa  uu markasta sameyn jiray. Waxaan rabaa tan inay qofkasta u fududaato’ ayuu yiri Taplin isagoo sidoo kale sheegay in asalka shaqada apple ay wax ka badashay habka aan u dhageysano musigga.

Ganacsiga muusigga ka hor Apple Itunes-keeda waxaa uu ahaa mid Cd-yo dukaamada looga gato balse maanta waay ku adagtahay dukaamada ganacsigaa CD-yada ah sababtoo ah ganacsigii ayaa u guuray online ayuu yiri Mr Taplin.

Dhaq dhaqaaqa ama Stock-ga shirkadda Apple ayaa hoos u dhacay shan boqolkiiba kaddib markii Jobs uu ku dhawaaqay iscasilaadiisa. Su’aasha la is weydiinaayo ayaa hadda ah in shirkadda ay sidii hore us sii soconayso iyo inkale.

SomaliSwiss Osman Black London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: