Halkaan ka akhri
Madaxweyne ku xigeenka dalka kooufur Africa Kgalema Mothanle ayaa sheegay in ay  dalka Soomaaliya uga deeqday 20 milyan Ran oo ah lacagta koofur Africa, balse lacagtaas loogu talagalay in caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.
Mr. Kgalema Mothanle oo ka jawaabayay su’aalo lagu weydiiyay aqalka golaha dalka koofur Africa, wuxuu sheegay in dowladdu ay ka jawaabeyso dhibaatooyinka bin’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu Madaxweyne ku xigeenka dalka kooufur Africa uu caddeeyey in lacataasi la sii marsiin doono Gift of Givers oo ah hay’ad Koofur Afrikan ah.
Sidoo kale Koofur Afrika ayaa adkeyneysa siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ee dhinaca dibadda ah sidaas waxaa  shaaca ka qaaday madaxweyne ku xigeenka dalka Koofur Africa.
Dhanka kale Mr. Kgalema Mothanle wuxuu sheegay Mr. Motlanthe inay jiri doona deeq ku keceysa 112 oo ton oo muddo laba todobaad ah ay gaarsiini doonta hey’adda gaargaarka shacabka Soomaaliyeed ee dhibateysan.
Waxaa intaasi sii dheer, dowladda Koofur Africa waxa ay la shaqeyn doontaa ururada koofur Afrikaanka ah ee ka howl gala wadamada Soomaaliya deriska la ah , sida Islaamic Relief SA, Africa Muslim Agency Netcare South Africa iyo gudiga jaaliyadda Soomaaliyeed ee koofur Africa
Si kasta ha ahaatee dowladda Koofur Africa waxay ballan qaadaysaa deeq intaas ka badan marka uu furmo shirka midowga Africa ee Soomaliya dhaqaale loogu uruurinayo oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee dala Ethoipia.
Ugu danbeyntii Madaxweyne ku xigeenka Koofur Africa waxa uu dhanacyada Siyaasadda ugu baaqay xal u helidda dhibaatada daba dheeraatay ee ka jirta dalka Soomaliya.
SomaliSwiss    JOHANNESBURG
Filed under: News Desk |
You must be logged in to post a comment.