Halkaan ka akhri
Geerida waa xaq – Nafkastana wey dhadhamineysaa,  Sidaas darteed Madaxda iyo shaqaalaha bahda Warbaahinta Shabakada SomaliSwiss iyo Radio Somalia, waxay halkan tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaa Ehelladii, iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Siciid Cismaan Yusuf Keenadiid.
Alle ha u naxariistee Marxuum Siciid Cismaan Yusuf Keenadiid wuxuu Shalay ku dhintay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya , Marxuumku wuxuu dhashey sanadka markuu ahaa  1934, aqoonyahan Siciid Cismaan Yusuf Keenadiid waxa uu wax ku soo bartey dalka dibadiisa ka hor xornimada Soomaaliya iyo kadib, sidoo kale marxuumku wuxuu Aabihiis Cismaan Yusuf Keenadiid ahaa ninkii sameeyey farta Soomaaliga ee Osmaniya, oo qorista qoraalada loo isticmnaali jirey xiligii gobanima doonka.
Dhanka kale Marxuum Siciid Cismaan Yusuf wuxuu ahaa qoraa sare, wuxuuna qorey buugaag aad u faro badan, kuwaas oo isugu jira noocyo kala duwan, isaga oo ayaamihii u danbeysey noloshiisa ku hawlanaa dhamaystirka buug uu sheegay in uu yahay midka uu ku khatimaayo buugaagtii uu qori jirey kaas oo ahaa Xusuus qorkiisa.
Mar labaad Bahda Warbaahinta SomaliSwiss iyo Radio Somalia, waxay tacsi u dirayaan dhamaan qoyska reer Keenadiid meelkasta oo ay Caalamka ay ka joogaan, sidoo kale waxaan si gaar ah uga tacsiyeyneynaa geeridaas naxdinta leh ee ku timid Aqoonyahan Siciid Cismaan Keenadiid Walaalaheen XaashiYasiin Cismaan iyo Bile Yaasiin Cismaan oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kanton Zürich oo Adeerkood ahaa Marxuum Siciid Cismaan oo shalay taariikhda ahayd 23.08.2011 ku Geeriyooday magaalada Nairobi , waxaana marxuumka lagu aasayaa magaalada Nayroobi maanta oo Arbacada ah.
Alle ha u naxariistee Marxuum Siciid Cismaan Yusuf, waxaan Alleheen uga baryeynaa inuu jannadiisa fardowsa ka waraabsho eheledii, Qaraabadii iyo Caruurtii uu ka tagteyna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo.Â
Sidoo kale dhammaanteen samir iyo iimaan Alle ha inaga wada siiyo, gadaashiisana Alle inama fidneeyo, Aamiin Aamiin Aamiin.
SomaliSwiss  Zürich
Filed under: Zurich Swiss |
You must be logged in to post a comment.