Shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayo oo la filayo inuu beri ka furmo Magaalada Adis Ababa.

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa la filayaa in maalinta beri ah inuu ka furmo magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia shir ay isugu imaanayaan Madaxda Midoowga Afrika, kaasi oo dhaqaale loo raadinayo dalka Soomaaliya.

Sida ay wararku ay sheegayaan waxaa shirkaas Soomaaliya uga qayb galaya Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya.

Dhaqaale loo uruurinayo dowladda Soomaaliya ayaa lagu tala-galay in wax loogu qabto arrimaha bini’aadannimada, sidoo kale waxaa lagu wadaa in looga hadlo arrimaha ammaanka Soomaaliya, kaddib markii uu soo baxay isbadal xagga amniga ah oo ku yimid magaalada Muqdisho.

Madaxda Midoowga Afrika ayaa waxaa Soomaaliya uga qayb galaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo lagu casuumay shirkaasi.

madaxda Midoowga Afrika oo shirkaasi isugu imaanaya ayaa la filayaa in ay kaga wada hadlaan sidii ciidamada nabad illaalinta Soomaaliya jooga loo kordhin lahaa, taasi oo ay dhawaan shirka ka dhacay dalka Ethiopia oo ay  isugu yimaadeen wasiirada Gaashaandhiga dalalka Afrika lagu go’aamiyay in Soomaaliya si deg deg ah loogu diro saddex kun oo askari oo ka kala socda dalalka Siraliyon iyo Jabuuti.

SomaliSwiss   Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: