HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Waxaa Taariikhda markay ahayd 20ka bisha August 2011ka lagu soo gaba-gabeeyey Masjidka  Sheikh Za’id ee Magaalada Zürich eedalka Switzerland barnaamij quraan akhriska ahaa oo loo qabtay caruurta Muslamiinta ee ku dhaqan Magaalada Zürich ee dalka Switzerland oo ay uga badnaayeen Caruurta Soomaalida.
Barnaamijka tartanka Qur’aanka akhriyey ayaa u kala qaybsanaa heerar Curuurta ugu kala horreeyaan barashada Qur’aanka Kariimka, waxaana barnaamijkas sanadkasta soo qaban qaabiyo Guddiga Masjidka iyo Waaladiinta ku dhaqan ee ku dhaqan kanton Zürich ee dalkan Switzerland, waxaana abaalmarinta Caruurtaas kaalinta weyn ka qaatay Sheikh Khalifa oo ka mid ah  Umarada dalka Qatar oo fasax ku joogo magaalada Zürich.
Sidoo kale xiritaanka xafladda Quraan akhriska waxaa hadal gaaban ka jeediyey  Sheikh C/Xakiin Sheikh Cali Suufi, wuxuuna Waaladiinta Caruurtooda ku tartamaysay akhriska Qur’aanka Kariimka, ku guubaabiyey inay ku dadaalaan sidii awlaadooda ugu dhiiri gelin lahaayeen barashada iyo ku dhaqanka Diinta Islaamka.
Dhanka kale waxaa halkaas ka hadlay Masuul ka tirsan maamulka Masjidka oo ugu mahadceliyey dadkii howshan isku soo dubarriday iyo shakhsiyaadka gacanta ka geystay dhaqan gelka Tartanka Qur’aanka akhriska, sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedada Abaamarintan  ay tahay dhiirigenta Caruurta, si ay u jeclaadaan barashada diintooda.
Waxaa gaba gabedii Munaasabada xiritaanka xafladda Quraan akhris ah abaalmarin ugu qaybiyey ardaydii tartamaysay C/Xakiin Sheikh Cali Suufi, waxaana Abaalmarin bixintaas goobjoog ka ahaa Maamulaha Masjidka Sheikh Zaa’id, Imaamka Masjidka Sheikh Cabdiraxmaan Sheikh Yaxya, Sheikh Cumar iyo Macallamiinta Dugsiga Masaajidka.
Tartanka Qur’aan akhriska ayaa sanad walba lagu qabtaa Masjidka Sheikh Zaa’id ee Magaalada Zürich, waxaana la siiyaa abaalmarin lacageed .
SomaliSwiss  Zürich
Filed under: Dhicisow |
You must be logged in to post a comment.