R/Wasaaraha Soomaaliya oo shaaciyey in dhowaan Al-Shabaab laga sifeyn doono Soomaaliya oo dhan.

 

undefinedHalkaan ka akhri

Dr. C/weli Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in Dowladiisu dadaal ugu jirto sidii xarakada Al-Shabaab ay dalka uga saari lahayd, wuxuuna sheegay in markii ay ka baxeen magaalada Muqdisho ay ka timid cuqubadii shacabka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan ay ka galeen, hase yeeshee waxa uu sheegay in weli ay ku sugan yihiin gobolada dalka.

R/wasaaruhu wuxuu caddeeyey in ciidamada Dowladda iyo walaalaheena AMISOM ay dadaal dheeri ah iyo juhdi ballaaran ka sameeyeen sidii ay uga  bixi lahaayeen Xarakada Al-Shabaab magaalada Muqdisho.

Taas ka sokow waxaa ka bixitaankaas keenay cuqubadii ay ka galeen shacabka Soomaaliyeed oo ay dhaafi waayeen dadka kuwa nool iyo kuwa geeriyooday iyagoo qodaya qabriyada ay ku aasan yihiin culumaa’udiinka iyo mashaa’iqda, isla markaana dhibaatadii ay ku hayeen shacabka Soomaaliyeed, ayuu sheegay Ra’iisal Wasaaraha inuu dillaacay xaqa Alle SWT uga dulqaaday heeryadoodii dulsaarneyd shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho degan.

Ra’iisal Wasaare C/Weli wuxuu sheegay in mar haddii kooxda Al-Shabaab ay ka carareen magaalada Muqdisho isla markaana gobolada dalka u gurteen aanay uga hari doonin oo ilaa inta ay ka saarayaan kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida dalka oo dhan, balse R/wasaaruhu wuxuu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay halgankaas kula garab galaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ugu danbeyntii Dr. C/Weli Maxamed Cali wuxuu digniin u jeediyay koox kasta ee isku dayda inay isku abaabusho dalka gudihiisa isla markaasna dalka dib ugu celisa marxaladihii horay dalka u soo maray.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: