Dowladda Sierra Leone oo shaacisay inay Ciidamo nabad ilaalin ah u soo dirayso Dalka Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Dowladda dalka Sierra Leone ayaa waxa ay shaacisay in dalka Soomaaliya ay u soo dirayso Ciidamada nabad ilaalin ah si ay ugu biiraan Ciidamada AMISOM ee ka howlgalaaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga  iyo amniga Qaranka ee dowladda Sierra Leone Major Alfred Palo ayaa  isagoo ku sugan Magaalada Addis’ Ababa  ee Xarunta dalka Ethiopia la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in Xukuumadiisa ay 1-Bitilyan oo Ciidamo Nabad Ilaalin ah ay u soo diridoonto dalka Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan Howlgallada Midowga Afrika ee ka soconaya dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Mr Alfred Palo ayaa sheegay  in dowlada Sierra Leone ay hada diyaar u tahay intii karaankeeda ah inay ka qeyb qaadato Howlgalka Ciimada AMISOM ee ka soconaya  dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Mr Alfred Palo o hadalkisa sii wato wuxuu yiri:“Ciidamada Sierra Leone waxay qibrad u leeyihiin howlgallada Nabad ilaalinta, Maxaa yeelay hadda Ciidamadeena waxa ay qeyb ka yihiin Howlgalka Nabad ilaalinta ee ka soconaya dalka Sudan, sidaa darteena maxaa diidaya in aan ka qeyb qaadano Howlgalka AMISOM” sidaasi waxaa yiri oo ah.

Dhanka kale Wasiirka difaaca iyo amniga Qaranka dalka Sierra Leone ayaa caddeeyey in dowladdiisa ay  ku dhawaaqday inay ciidamada u soo dirayso dalka Soomaaliya, taasi  waxay daba socotay kulan ay bishaan 17-ilaa iyo 18-kii ka dhacay Magaalada Addis’ Ababa kaas oo looga hadlayay qalabeynta iyo Taageeridda Ciidamada AMISOM.

SomaliSwiss 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: