HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aden Abdulle International Airport ee magaalada Muqdisho kasoo degay diyaarad waday Wasiirka Arimaha dibada dalka Iran Cali Akbar Saalixi oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.
Cali Akbar Saalixi, Wasiirka arimaha dibadda Iran oo meelo kala duwan oo Muqdisho ah booqasho ku tegay ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Adan Cadde, isagoo sheegay in dowladda Iran ay Safaarad ka furaneyso dalka Soomaaliya.
Mr. Saalixi wasiirka arimaha dibada Iran ayaa kulan la qaatay R/wasaaraha dalka Soomaaliya, Dr C/weli Gaas kadib markii uu soo booqday xerooyin barakacayaal oo ku yaala caasimadda Muqdisho.
Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u wada qabteen labada mas’uul kulankooda kadib ayey ku faah faahiyeen waxyaabaha ay ka wada hadleen,  iyadoo wasiirka arimaha dibadda Iraan uu sheegay in Dowladiisu safaarad ka furaneeyso Muqdisho isla markaana Madaxweyne Shariif iyo R/wasaarahaba ay dhawaan booqasho ku tagi doonaan dalka Iran si ay wada hadallo ula yeeshan mas’uuliyiinta dalkaasi.
Sidoo kale waxaa uu intaa ku daray in dowladda Iran ay dadka tabaaleeysan ugu talagashay 25 Milyan oo Doolar oo gargaar ah kaas oo ku kala imaan doona diyaarado iyo Maraakiib, isagoo ka deyriyay xaalada barakacayaashii uu maanta booqday.
Dowladda Iran ayaa ka mid noqoneysa waddamada u gurmanaya dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka kuwaas oo la ildaran gaajo cudurro iyo nafaqo darro.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.