Halkaan ka akhri
Boqolaal ka tirsan maleeshiyaadkii ururka Al-Shabaab ee ku haray nawaaxiga magaalada Muqdisho ayaa  beryahanba  dhaqdhaqaaqyo ka sameeyay xaafadda Suuqa Xoolaha iyo degaanno ku dhow dhow.
Sidoo kale waxaa la arkayay maleeshiyada Al-Shabaab oo isku urursanaya, isla markaana wata gaadiidka dagaalka, hubkooda iyo gawaarida yaryar ee ay wataan oo isaga sii baxaya dhammaanba goobihii ay ka joogeen wadada Warshaha, Suuqa Xoolaha iyo xaafadaha ku dhow dhow.
Balse warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyada maleeshiyadka ka haray Al-Shabaab ay sheegaya in difaacyadii ay ku lahaayeen Warshadda Baastada, Isgoyska Ex-Kontrol Balcad, Suuqa Xoolaha, wadada Waxarcadde iyo nawaaxigeedaba isaga guureen, iyagoona saldhig weyn ka sameystay xerada Muuri oo ku taalla degaanka Ceelcirfiid oo ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Sidoo kale saldhigga xerada Muuri ee ay degeen maleeshiyaadka ka haray Shabaabka, ayaa la sheegayaa inay isugu geeyeen gaadiidka tiknikada loo yaqaan ee qoryaha ay ku rakiban yihiin, gawaarida yar yar, saanado milateri, hub iyo agabka ciidamada, iyadoo xerada ay noqotay mid aad u mashquul badan oo gawaarida qaarna soo galayeen qaarna ka sii baxayaan.
Dhanka kale Isbedelka iyo dhaqdhaqaaqa cusub ee ay sameeyeen maleeshiyaadka ka haray ururka Al-Shabaab ayaa waxaa walaac ka muujiyay dadka rayidka ah ee iyagu ku dhow xerada Muuri, kuwaasi oo ka cabsi qaba in korkooda uu ka dhaco dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Xarakada Al-Shabaab, hase yeeshee ilaa iyo iminka wax hadal ah kama soo saarin maleeshiyaadka Shabaab ka tirsan ee iyagu degay degaanada Ceelasha Biyaha iyo Ceel-Cirfiid oo ah labada laga soo gala ama looga baxa magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.