Madaxweyne Sheikh Shariif oo dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay Madaxda sare Wandankaas.

undefinedHalkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa xalay kullamo kula qaatay Masuuliyiinta wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, kulankaasi oo ay uga wada hadleen arrimaha abaaraha ee ka jirta dalka Soomaaliya, kaddib markii uu   casuumaad rasmi ka helay madaxda dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Sheikh Shariif Sh. Axmed oo haatan ku sugan magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay Masuuliyiinta dalkaasi, waxayna ka wada hadleen arrimaha bini’aadannimada iyo abaaraha ka jira dlaka Soomalaiya sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsam madaxtooyada qaran oo ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Shariif.

Sidoo kale kulan  ayaa la sheegay in ay uga wada hadleen madaxda labada dhinac xiriirka laba dal iyo sidii dalka Imaaraadka uu kaalin wayn uga geysan lahaa caawinta dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameyeen.

Dhanka kale masuuliyiinta dalka Isutaga Imaaraadka ayaa sheegay in ay gurmad u fidin doonaan dadka ku dhibaateysan guddaha dalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale  lagu wado in maanta ay kulan ballaaran wada yeeshaan masuuliyiinta Imaaraadka iyo Madaxweyne Sheikh Shariif kaasi oo looga hadli doono arrimo ay ka mid tahay siyaadda dalka Soomaaliya iyo arrimo kale  oo la xiriira horumarinta.

SomaliSwiss     Dubai

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: