Advertisements

Dowladda Sacuudiga oo ugu deeqday waddanka Soomaaliya 50 Milyan Dollar, sheegtayna in deeqdaas ay u soo marinayso Hay’adda WFP.

undefinedHalkaan ka akhri

Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay 50 Milayn oo Dollarka Mareykanka ah ugu deeqday dadka ay abaaruhu ku habsadeen ee ku sugan gudaha waddanka Soomaaliya, balse ay sheegtay in gargaarkaas ay u soo marinayso Hay’adda WFP, si gargaarku loo soo gaarsiiyo dadka u baahan.

Sidoo kale War qoraal ah oo ay soo saartay Hay’adda WFP ayaa lagu sheegay in Sacuudigu uu ku gargaaray carruurta Soomaaliyeed ee nafaqo darradu ku heysato waddanka Gudahiisa, waxaana Hay’adda ay caddeysay in deeqdaan oo wax badan ka bedeli doonto xaaladda ay ku sugan yihiin carruurta Soomaaliyeed.

Josette Sheeran oo ka mid ah madaxada Sare Hay’adda WFP oo arrintaas ka hadleyay wuxuu yiri:.“waxaan naga caawin doontaa deeqdaani in aan badbaadno nolosha kumanaan caruruur ah ka hor inta aysan la dhicin macluul iyo nafaqo darro, sababi karta in la badbaadin waayo noloshooda”.

Dhanka kale Dowladda China ayaa ugu deeqday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee WFP 16 milyan oo Dollar oo ay ugu talo gashay Gargaarka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku hayaan waddanka sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay WFP.

Kaalamdaan ayaa si toos ah u gaari doonta howl galka gargaaka raashinka ee Geeska Afrika, taas oo loogu talo galay 1.5 Milayn oo qof,  sidaas waxaa sheegtay wakaaladda wararka ee Shinwaa oo soo xiaganeysa warbixinta WFP.

Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda WFP Ramiro Lopes da Silva ayaa dowladda China ku amaanay kaalinteeda ku aaddan arrintaan, isagoo ugu baaqay in ay kaalmooyin kale siiso WFP si ay u gaarsiiso dalal kale oo caalamka ah.

Wakaaladda Wararka ee Dalka Shiinaha ayaa sheegtay in deeqdaan loo adeegsan doono raashin dhameystir ah oo u badan Noocyo lagu nafaqeynayo carruurta yaryar ee ay macluushu heysato.

Si kasta ha ahaatee Hay’adda WFP waxay sheegtay in xaalado Bani’aadamnimo ay ka jiraan gobollada Koofureed ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegtay in ay ku dhibaateysan yihiin tobanaan kun oo u badan carruur yaryar iyo haween.

SomaliSwiss     Riyadh

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: