Halkaan ka akhri
Taliska ciidamada Maraykanka Qaaradda Africa (AFRICOM) ayaa sheegay inay xanibaad ku soo rogayaan garoomada diyaaradaha iyo dekedaha ay gacanta ku hayaan Xarakadda Al-Shabaab.
Jen. Carter Ham oo ah la Taliyaha taliska ciidamada AFRICOM ayaa wuxuu warbaahinta kula hadlay dalka Uganda wuxuuna sheegay inay xanibaad saarayaan ilaha dhaqaalaha ee gacanta ugu jira Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab ee Soomaaliya ku yaala waxaana uu si gaar ah u sheegay in goobaha ay sida gaar ah u bartilmaameysan doonaan ay ka mid noqon doonaan garoomadda diyaaradaha iyo dekeda ku yaala gobolada ay ka jiraan m/mulada Xarakadda Al-Shabab.
Sidoo kale Jen. Carter waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in arrintaani ay ka dambeysay kadib markii uu dalab kaga yimid madaxda xukuumadda Uganda gaar ahaan M/weynaha Yuweri Musaveni oo codsaday buu yiri in lala socdo dhaq dhaqaaqyada dekedaha iyo garoomadda Shababku maamulaan.
La taliyaha taliska Ciidamada AFRICOM oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxaan qaadi doonaa tilaabooyin aanu kula soconayno waxa ka jira dekedaha iyo garoomada iyo dekada ay maamulaan Xarakadda Al-Shabab taasna waxaan uga jawaabaynaa codsigii nooga yimid M/weyne Musaveni”, hase yeeshee taliska ciidamada Uganda ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan caawinta taliska AFRICOM.
Si kasta ha ahaatee Al-Shabaab ayaa haatan maamula inta badan qaar ka mid ah gobolada koofurta iyo batamaha dalka Soomaaliya.
SomaliSwiss Kampala
Filed under: Muqdisho |