Shir looga hadayay ammaan Soomaaliya oo Maamta ka dhacay qolka shirarka Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Shir loogu hadlayey amaanka dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay  magaalada Muqdisho, kulankaas oo ay ka soo qayb galeen  qaar ka mid ah Wasiirada dowladda KMG iyo wadamo ka tirsan beesha Caalamka, Urur goboleedka IGAD, Jaamacada Carabta iyo Midowga Afrika.

Shirkan oo ahaa xasaasi ayaa waxaa looga hadlayay amaanka dalka Soomaaliya iyo ka bixitaankii Ururka Xarakada Al Shabaab  magaalada Muqdisho, shirkan ayaa  maanta lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa  kasoo qeyb galay Ra’iisul waasaraha Xukuumadda KMG, Golihiisa wasiirada, talayaasha ciidamada dowladda KMG, kuwa AMISOM iyo Wafuud ka socotay Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Midowga Yurub, waxaana diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amaanka dalka.

Dhanka Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG C/wali Max’ed Cali ayaa wuxuu la hadlay Saxaafada wuxuuna sheegay in dowladda KMG ay aad ugu faraxsan tahay in shirkii 9-aad ee Gudigaan uu ka dhaco magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay amaan tahay islamarkaana lagu guuleystay in laga saaro Xarakada Al Shabaab, waxaana uu xusay in  dowladiisa ay shirkaasi ku codsatay qalab ciidan oo isugu jira dhar, hub iyo walibo dhaqaalo.

 Ergeyga  Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo kulankaasi kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankaasi ay kaga hadleen xoojinta amaanka Soomaaliya si loogu guuleysto nabad ku soo celinta Soomaaliya.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: