Fannaanka weyn K’naan Cabdi Warsame oo goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Fanaanka weyn ee Soomaaliyed Keynaan Cabdi Warsame ayaa markii u horeysay ka soo degay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoo Fanaankan uu ka mid noqday fanaaniinta dhowaan soo gaarayay Muqdisho ee u kuur galayay xaalada dhabta ah ee abaaraha, si ay indhaha caalamka ugu bandhigaan.

Keynaan Cabdi Warsame oo meelaha uu booqday uu ka mid ahaa Isbitaalka Banaadir oo ay ku jiraan caruur aad u fara badan oo la ildaran nafaqo daro iyo shuban biyood ayaa halkaas ka qeybinayey  gar gaar daawooyin iyo raashinka nafaqada.

Sida ay sheegayaan wararka Fanaan Keynaan ayaa waxaa wehliya Fanaaniin kale oo la sheegay inay u dhasheen dalka Canada, kuwaasoo iyana qiimeynaya xaalada abaaraha iyo macluusha ka jirta dalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana wafdiga uu Keynaan hogaaminayo ay kormeeri doonaan xerooyinka barakacayaasha ee ku yaala Muqdisho.

Fanaanka Keynaan oo qaaday heestii Furitaanka aheyd ee Koobkii Aduunka Waving Flag ayaa dhowana ku baaqay in loo gurmado abaaraha ka jira Soomaaliya, si loo bad baadiyo dadka gaajada iyo macluusha ugu dhimanaya.

Dhowaan ayay aheyd markii magaalada Muqdisho ay soo gaartay fanaanada Mama Zoul ee reer Mareykanka iyo Fanaanad caan ka ah dalka Turkiga oo qeyb ka aheyd wafdigii maalinimadii jimcihii ee uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: