Mr. Chian Mark Andress oo ka hadlay doorka ay Midowga Yurub ku leeyihiin arimsha Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Ergeyga Ururka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Chian Mark Andress ayaa shir jaraa’id uga qabtay Warbaahinta magaalada Nairobi ee wadanka Kenya wuxuu ka warbixiyay howlaha ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna Ergeygu jawaab ka bixiyay eedeymo Midowga Yurub horay loogu jeediyay oo ku saabsaneyd in dhaqaale Soomaaliya loogu talagalay uu siiyay ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Ergeygu wuxuu sheegay in dhaqaalaha AMISOM laga bixiyo sanduuq gaar ah oo Midowga Afrika ay leeyihiin, wuxuuna tilmaamay in Midowga Yurub dhaqaalaha Soomaaliya uu ku bixiyo dhinaca amniga iyo mashaariicda arrimaha bulshada lagu horumarinayo.

Sidoo kale Mr. Chian Mark Andress ayaa sheegay in Midowga Yurub uu hayo dhaqaale loogu talagalay wadanka Soomaaliya, qeyb ka mid ah dhaqaalahaasna lagu bixinaayo tababarka ciidamada Dowladda KMG ah, dib u dhiskooda iyo imkaaniyaadka ay u baahan yihiin si ay uga qeyb qaataan howlaha amniga dalka ku saabsan iyo in dowladdu awoodeeda ku ballaariso dalka oo dhan.

Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan wadanka Soomaaliya oo arrintaas kahadlayey wuxuu yiri: “Waxaan eegeynaa sidii aan u abuuri lahayn jawi ay dadka Soomaaliyeed nabad ugu noolaan lahaayeen”, wuxuuna sidoo kale sheegay in Midowga Yurub uu qorsheynayo sidii loo maalgelin lahaa bulshada Soomaalida qeybahooda kala duwan si kor loogu qaado ganacsiga iyo maal gelinta horumarineed.

Mr. Chian Mark Andress ayaa sheegay in Midowga Yurub sanduuq gaar ah u sameeyay dhaqaalaha ku baxaya mashruucyada caafimaadka waxbarashada iyo waxsoosaarka cuntada, wuxuuna wakiilku tilmaamay in arrimaha bulshada iyo amniga ay dedejinayaan sidii dalka Soomaaliya ay uga hirgelin lahaayeen.

Dhanka kale mar uu ka hadlayay isbedelada ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuu Ergeyga sheegay in ka bixitaanka xarakada AL-Shabaab magaalada Muqdisho ay tahay arrin wanaagsan, ha yeeshee wuxuu tilmaamay inuu ka walaacsan yahay maleeshiyaadka ka haray Shabaabka ee Muqdisho dagaallada ka sii wada, wuxuuna ugu baaqay inay Dowladda ku biiraan isla markaana Dowladda KMG ah ay soo dhoweyso maleeshiyada dhinacooda u soo wareegaya.

SomaliSwiss  Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: