Dowladda Iran oo sheegtay in ay Soomaaliya u soo dirayso deeq dhan 200 Tan oo cunno nafaqo ah.

undefinedHalkaan ka akhri

War ay qoreen Wargeysyada ka soo baxa magaalada Caasamadda ee Tehraan in Dowladda Iiraan ay shaaca ka qaaday inay laba ljibaarayso gar gaarka ay ugu talagashay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu Saameeyeen, waxayna dowladda Iraan ay sheegtay in  maalmaha ina soo aadan ay  magaalada Muqdisho soo gaari doonan 200 Tan oo cunto Nafaqo ah oo loogu talagalay Carruurta ay Nafaqa daradu heyso.

Sida ay sheegtay Dowladda Iraan waxay Mucaawinadan u soo marin doontaa hay’adda bisha Cas ee dalka Iran waxaana keeni doona Soomaaliya Maraakiib iyo diyaarado, sidaas waxaa  xaqiijiyay Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda bisha Cas ee dalka Iran Herder Heidari.

Sidoo kale Mr. Heidar ayaa tilmaamay in marka hore dadka si deg  deg ah loo gaarsiin doono 48 tan oo ay u baahan yihiin dad aad u dhibaateysan, isagoo intaa raaciyay in ay jiraan Teendhiiyin iyo Bustooyn barbar socda mucaawinada o dadka la siin doono.

Dhinaca kale hay’adda bisha Cas ee dalka Iran ayaa ballan qaaday in ay dhisi doonaan 200 oo gurayaha laga sameyo Teendhooyinka ah oo ay ka hirgalinayaan xeryaha ay ku jiraan dadka barakaayaasha ah gaar ahaan deegaannada ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya ee ammaanka ah.

Sida la wada ogsoon yahay Dowladda Iran ayaa horey Soomaaliya u soo gaar siiyay 60 tan oo mucaawino ah taasi oo ay ku qeybisay xerooyn dhowr ah oo ku yaala magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss  Tehran

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: