Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyaad ka wada tirsan Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

undefinedHalkaan ka akhri

Wararka naga soo garaaya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo ka wada tirsan Xarakada Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanno hoostaga deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan kadib markii ay Horjoogayaasha Xarakadaas ay isku khilaafeen in gobolka ay ka baxaan iyo inkale.

Waxaa lagu soo warramay in dagaalkaas uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dhiirimaadle oo ku dhow deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan, waxaana uu dagaalku bilowday duhurnimadii shalay isaga oo gaaray Fiidnimadii hore ee Xalay.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka deegaanka oo goob joogayaal ahaa, kuna sugan deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan ayaa u sheegay Warbaahinta In weli deegaanka ay ka jirto xiisad u dhaxaysa Maleeshiyo Ka wada tirsan Labada dhinac Maleeshiyaduna ay weli is ugaarsanayaan ayagoo doonaya inay iska aargutaan maadaama dagaalkii shalay dhexmaray ay khasaarre lexaad leh isugu geysteen.

Si kasta ha ahaatee Wararka naga soo gaaraya Goobta dagaalka ayaa sheegaya in ay wali taagan tahay xiisad, waxaana dadka deegaanka ay ku warammayaan in ay isu diyaarinayaan inay la dagaallamaan Maleeshiyooyinka ka wada tirsan Xarakada Al-Shabaab.

SomaliSwiss  Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: