Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Africa oo sheegay in dawladiisa ay gargaar degdeg ah usoo direyso Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Haweynayda lagu magacaabo Muna Cumar oo ah Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Africa ayaa waxay  la hadashay warbaahinta  dalkaasi iyadoo ugu baaqday wadamada Africa iyo kuwa deeqaha bixiya inay gar gaar la soo gaaraan dadka abaaraha la dhibeysan ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale Muna Cumar waxay sheegtay inay jiraan xaalado daran oo heysta dad ku barakacay gudaha Soomaaliya iyo kuwa ka gudbayxaduudaha ee gaaray wadamada Soomaaliya dariska kadib markii ay ku adkaaday inay ku noolaadaan xaaladaha adag ee ka jira dalka kana dhashay abaaraha dabo dheeraaday.

Dhanka kale Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibbada Masar ee arrimaha Africa waxay tilmaantay in xilligaan ay Soomaaliya   joogto waqtigii la caawin lahaa oo ay u baahan yihiin garab kaga yimaada wadamada ku jira ururka Midawga Africa iyo dalalka ee deeqaha bixiya.

Waxay kaloo Muna Cumar ay sheegtay in golaha Militariga dalkaas ay go’aan ku gaareen inay Soomaaliya u soo diraan maraakiib saaran shixnado gar gaar ah iyo labo diyaaradood oo nooca ciidamada ah oo iyana raashin deeq ah keeni doona Soomaaliya, waxaana ay intaa ay ku dartay inay gudi gaart ah oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibbadda dalkaasi Max’ed Caamir ay kaqeyb gali doonaan shirka madaxda Africa ku yeelan doonaan magaalada Addis-Ababa 25,ka bishaan

SomaliSwiss    Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: