Hay’adda Cunada iyo beeraha Qaramada Midoobay (FAO) oo Caalamka ka codsatay dhaqaale wax loogu qabto musiibada ka dhacday Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Warbin ay soo saartay Hay’adda Cunada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FOA ayaa lagu  sheegay  si loogu hortago  musiibada ku habsatay shacabka Soomaaliyeed loo baahanyahay lacag dhan 130-Milyan oo dollarka Mareykanka, taasoon wax loogu qaban doono dadka ku dhibaateysan Gobolada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Warbixinta  Hay’addan ayaa waxa lagu sheegay in dadka ku dhibaateysan wadanka Soomaaliya gaar ahaan Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxa ay tiradoodu tahay in ka badan 3.5-Milyan oo qof  kuwaasi oo u baahan gar gaar deg deg ah.

Hay’adda Cunada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa waxa ay sidoo kale sheegtay in dadka ugu badan oo ay abaartu saameysay ay yihiin haweenka, caruurta iyo dadka da’da ah kuwaasi oo hadii aan wax loo qaban ay tilmaamtay Hay’adu inay xaaladooda kasii dareyso.

Agaasimaha Hay’adda Cunada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FAO Jacques Diouf ayaa sheegay in aan la aqbali Karin in indhaha laga fiiriyo dadka gaajada ugu geeriyoonaya wadamada geeska Afrika ee gaaraya 12-ka Milyan ee ruux, waxaana uu sidaasi daraadeed uu ugu baaqay Caalamka inay caawiyaan Shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa ku nool wadamada kale ee Geeska Afrika.

Si kasta ha ahaatee Hay’adda Cunada iyo beeraha ay ku dalbaneyso lacagaha  dheeraadka ah ayaa waxa  uu qeyb ka qaadanayaa dadaalada lagu doonayo sidii loo samatabixin laha dadka ay abaaraha ku saameeyeen, gaar ahaan dadka ku dhaqan Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

SomaliSwiss     Roma

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: