Ciidamada Al-Shabaab ee deegaanka Ceelasha Biyaha oo xoog kula wareegay gar gaar loo siday dad tabaaleysan.

undefinedHalkaan ka akhri

War saakay naga soo gaaray deegaanka Ceelasha biyaha ayaa sheegaya in Ciidamada Al Shabaab ee deegeenkaas  ay la wareegeen ku dhawaad 10-gaari oo siday raashin gar gaar oo loogu tala galay dad ku tabaaleysan deegaankaasi.  

Sida lagu soo warramay Sahayda gar gaar ah ayaa laheyd Hay’ad Islaami ah oo ka howlgasha deegaanada loo barakacay ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ciidamada ay isku gadaameen gadiidkaasi ilaa hadana aan la ogeyn  halka ay la aadeen gar gaarkaasi sida uu Shabelle u sheegay mid ka mid ah dad deegaanka.

Dhanka kale Warku wuxuu intaasi ku darayaan in Xarakada Al-Shabaab ay ku wargaliyeen Mas’uuliyiinta Hay’adda u rarnaa gar gaarka inay iyaga ay qeybinayaan raashinka maadaama deegaankaasi ay ka taliyaan.

Ha yeeshee deeqdan ee ay Al Shabaab la wareegeen ayaa waxaa lagu waday in loo qeybiyo boqalaal qof oo ku nool deegaanka Ceelasha biyaha oo ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: