Aqalka cad ee Maraykanka oo laga soo saaray Warsaxaafadeed lagu eedeeynayo Al-Shabaab.

undefinedHalkaan ka akhri

Warsaxaafadeed laga soo saaray aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa  looga hadlay xaaladaha bini’aadanimo ee caalamka ka jira gaar ahaan tan Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyaqy Xarakadda Al-Shabab inay caqabad ku tahay u gar gaarida dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya ee abaaruhu sida weyn u saameeyeen.

Sidoo kale wargeysyada ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in hogaanka Xarakadda Al-Shabab ay is hor istaag ku sameeyeen hay’adaha  samafalka ee u diyaarsan inay caawiyaan dadka abaaraha ku xoolo beelay abaaraha wadanka ka dilaacay.

Dhanka kale War saxaafadeedka waxaa uu ku eedeynayaa Xarakadda Al-Shabaab inay is hor istaag ku sameysay dad badan oo abaaraha ka  cararay kuwaasoo doonayay inay Muqdisho yimaadaan si ay kaalmo u helaan waxaana warku intaa ku daray in xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd ay ka jirto.

Balse Maraykanku wuxuu ku eedeeyay Xarakadal Al-Shabab inay horey u qafaasheen hawl wadeeno caafimaad iyo shaqsiyaad kale oo u shaqeeya hay’ado gar gaar sida war saxaafadeedka aqalka cad ka soo baxay ku qoran.

Waxaa War saxafadeedkan lagu soo hadal qaaday xaaladaha bini’aadanimo ee ka jira wadamadaAfghanistan, Pakistan, Ciraaq iyo Yemen oo ka mid ah wadamada ay sida weyn ugu xoogan yihiin ururka Al-Qacida.

Inkastoo Guddiga gurmadka abaaraha ee Xarakada Al-Shabab ay horey u sheegay inaysan jirin cid ay ka hor taagan yihiin caawinta dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed marka laga reebo hay’adihii horey Xarakadu u mamnuucday.

SomaliSwiss     Washington

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: