Warbixin dheer oo ku saabsan Booqashadii Ra’isal Wasaaraha Turkiga ee Muqdisho iyo meelihii uu booqday maanta.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’isa wasaaraha dalka Turkiga iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga uu Hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Dowlada Turkiga Recep Tayyip Erdoğanayaa mudo Seddax daqiiqo ka hor waxa ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaana Wafdigaasi sida ilaa Laba diyaaradood kuwaasi oo ay saaranyihiin xubnaha Wafdiga.

Wariyeyaal ku sugan garoonka Aadan Cadde ayaa soo sheegay in Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan ay Wafdigiisa ka midyihiin xubno katirsan gollihiisa Wasiirada iyo Qoyskiisa xubno ka tirsan.

Madaxda Sarre ee dalka oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Wafdigani heerka sarre ee ka socda dowlada Turkiga ayadoo sidoo kalena garoonka ay ku suganyihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Labada golle ee dowladda.

Munaasabad weyn oo lagu soo dhoweynayo Wafdigaasi ayaa hada ka socota gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayadoo cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyana ay Salaan sharaf Wafdigaasi iyo Madaxda dalkaba Siinayaan waxaana sidoo kale si weyn usoo dhoweynaya oo garoonka ku sugan qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Ayadoo Ra’isulwasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayo ay goor dhow kasoo degeen magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxaya Faah Faahinno dheeri ah oo la xiriira imaanshaha Wafdigaasi iyo Sida loosoo dhoweeyey.

Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan ayaa waxaa socdaalkiisa ku weyhliya Marwadiisa, xubno katirsan golaha Wasiiradda dalkaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Caafimaadka dalka Turkiga,Dhaqaatiir iyo Fanaaniin si’aad ah looga yaqaano dalkaasi.

Munaasabad aad u balaaran oo lagu soo dhoweynayo Wafdiga Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaana garoonka kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda,Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ra,isulwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Salaan Sharaf ku siiyey gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Ra’isulwasaaraha dalka Turkiga ayadoo gudaha garoonkana lagu xardhay Sawirka Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo sidoo kale Callamada Labada dal ee Walaalaha ah .

Markii lasoo dhoweeyey kaddib ayuu Ra’isulwasaaraha dalka Turkiga iyo Wafdigiisa waxa ay booqasho ku tageen Xerada Rajjo ama Badbaado Laba ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir halkaasi oo ay ku jiraan Kumanaan Qoysas ah oo Abaarta dalka Saameeysay darteed uga soo barakacay gobollada dalka ayadoo uu Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan uu mid mid u eegay xaalada ay ku suganyihiin dadka Barakacayaasha ah ee xeradaasi ku jira ayadoo dhaqaatiirta la socotana ay durba bilaabeen inay baaritaanno caafimaad iyo Baxnaaninba u sameeyaan Barakacayaasha taasi oo ay bar bar socoto deeq la siinayo dadka Xeradaasi ku jira.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahana duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo Saxaafadda la hadlay isaga oo ku sugan kaamka rajo ee uu hada booqanayo Ra’isulwasaare Erdoğan ayaa tilmaamay in booqashada uu maanta Muqdisho ku yimid Wafdigani dowladda Turkiga ka socda guul usoo hooyatay Shacbiga Soomaaliyeed waxaase uu dhanka kale  baaq u diray kooxo Burcad Badeed ah oo gacanta ku haya Muwaadiniin u dhashay dalkaasi oo uu ka codsaday inay Si sharuud la’aan ah kusii daayaan ayaga oo eegaya Sida uu Mr Erdogan ugu damqaday dhibaatada Shacbiga Soomaaliyeed heysata.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jaahweyn oo isna la hadlay saxaafadda isaga oo ku sugan Kaamka Rajjo ee uu hada Ra’isulwasaaraha Turkiga booqanayo ayaa shaaca ka qaaday in Wafdigan uu ku yimid si nabad ah islamarkaana taasi ay tahay mid ka turjumaysa Nabadda ka jirta dalka iyo Sida loogu guuleystay in Amniga La xaqiijiyo .

Waxa uu kaloo Booqan doonaa Ra’isulwasaare Recep Tayyip Erdoğan Xerooyinka kale ee magaalada Muqdisho oo ay kamid tahay xerrada ugu weyn ee Barakacayaasha Muqdisho ay ku noolyihiin ee Badbaado halkaasi oo ay Dowladda Turkigu deeqqo ka qeybin doonto.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: