Ra’isal wasaare Erdogan & wafdigiisa oo caawa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’iisul wasaaraha Turkey, Recep Tayyip Erdogan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde, kaddib markii uu safar maalin ah uu ku yimid Muqdisho.

Wafdiga dalka Turkiga ka socday oo isugu jiray wasiirro, xildhibaanno, ganacsato, fannaaniin iyo weliba ciidamo ayaa waxaa caawa ka qaaday garoonka Muqdisho saddex diyaaradood, waxaana  sii sagtooyey madaxda ka tirsan  Dowladda KMG ah oo uu u horreeyo Madaxweynaha Dowladda Sheikh Shariif.

Ra’iisul wasaare Mr. Erdogan ayaa intii uusan ka dhoofin Muqdisho wuxuu kulan la yeeshay Madaxweyne Sheikh  Shariif, wuxuuna shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabteen xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, wuxuuna sheegay in xaaladda abaareed ee ka jirta dalka Soomaaliya ay ka daran tahay midda ka jirta Daarfuur.

Erdogan oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Waxaan diyaar u nahay inaan wax walba oo aan awoodno u qabanno shacabka Soomaailyeed ee dhibaateysan, barakacayaasha aan soo arkay xaaladoodu aad ayay u darnayd,” wuxuuna intaas uu raaciyey in dhibaato ba’an ay ka jirto Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul-wasaare Erdogan ayaa xeryihii barakacayaashii ku jiray xeryihii uu booqday wuxuu u qaybiyay raashin, lacag iyo dawooyin, isagoo dadka qaarkood xaaladdooda wareystay, waxaana booqashadiisan uu ugu talogalay inuu indhaha caalamka kusoo jeediyo xaaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya.

Sidoo kale, Erdogan wuxuu sheegay inay dhisi doonaan isbitaallo iyo goobo lagu quudiyo dadka isagoo sheegay inay wax walba oo loo baahan yahay qaban doonaan. Sidoo kale waxaa la furay safaaraddii Turkiga ee Soomaaliya, iyadoo safiirkii Turkiga ee Soomaaliya uu la socday wafdiga maanta yimid.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif oo isaguna ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay inay isaga iyo ra’iisul wasaaraha Turkey kawada hadleen xaaladda bani’aadamnimo ee dalka ka jirta.

Waxaa kaloo lagu soo warramay in Wafdigan  intii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho si xoog badan loo sugayey ammaanka magaalada Muqdisho, waxaa la xiray dhowr waddo oo muhiim ah, waxaana ilaalinayay amaanka ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwo Turki ah oo la socday wafdiga ra’iisul-wasaare Erdogan.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: