TAARIIKH IYO WARBIXIN
Halkaan ka akhri
Rajab Tayyib erdogan waxaa uu ku dhashay  xaafadda Kasımpaşa ee magaalada Istanbul February 26, 1954 , isagoo ka dhashay qoys dan yar ah.
Erdogan aabihiis ayaa la sheegay inuu ahaan jiray askari ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Turkiga.
Waxaa u ku biiray siyaasadda markii uu jirsaday 17 sano, xilligaas oo uu kamid noqday hogaamiyayaasha ururkii ardada ee kasoo horjeedday nidaamkii shuuciyadda.
Sidoo kale Erdogan ayaa ka tirsanaa mid kamid ah naadiyada kubbada cagta ee xaafadda Kasımpaşa ee magaalada Istanbuul.
![]() Receb Tayyib Erdogan iyo marwadiisa Emina Erdogan |
Erdogan oo kasoo jeeda qoys muxaafidiin ah oo diinta Islaamka ku dhagan ayaa guursaday 1978 xaaskiisa Aamina Erdogaan oo ah haweenay ku caan baxday xirashada xijaabka oo aan ku badnayn haweenka dalka Turkiga, iyagoo dhalay 2 wiil iyo 2 gabdhood.
waxaa uu ka qalin jabiyay jaamacadda Marmara qaybteeda dhaqaalaha iyo maamulka culuumta , markaasoo uu ku biiray dhaqdhaqaaqii uu waday ra’iisul wasaarihii militarigu afgambiyeen Necmettin Erbakan oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa Islaamiyiinta Turkiga.
Sannadkii 1991-kii ayaa loo doortay xildhibaan , balse uma ayan suura galin inuu baarlamaanka fariisto kadib markii ay militariga cilmaaniyiinta ah ku eedeeyeen inuu xiriir la leeyahay dhaqdhaqaaqyda Islaamiga ah ee ka jiray dalka Turkiga.
![]() |
Erdogan oo lagu tilmaamo inuu ahaa siyaasi aad u firfircoon, waxaa loo doortay duqa magaalada taariikhiga ah ee Istanbuul  1994, markaas oo uu magaalada Istanbuul ka dhisay ilaa iyo 50 buundo oo lagu yaraynayay mashquulka waddooyinka..
Waxaa kale oo uu wax ka qabtay biyaha iyo nadaafadda Istanbuul , isagoo ku guulaysay abaal marinta ay bixiso hay’adda qaramada midoobay ee UN-HABITAT iyadoo loo aqoonsaday maayarka ugu wanaagsan ee caalamka.
1997 ayaa xabsiga loo taxaabay Erdogan markaas oo maxkamadda sare ee Turkigu ay mamnuucday xisbigii uu ka tirsanaa oo uu hogaaminayay ra’iisul wasaare Necmettin Erbakan , kadib markii uu ka qayb qaatay dibad baxyadii ay ka dhigayeen magaalada Istanbuul taageerayasha xisbiga daryeelka Turkiga, waxaana lagu xukumay Erdogan 10 bilood oo xabsi ah.
Isla xilligaas Erdogan waxaa laga mamnuucay siyaasadda, waxaana laga xayuubiyay xilkiisii maayarnimada.
1999 ayaa xabsiga laga sii daayay.
Sannadii 2001 ayuu aasaasay xisbigiisa cadaaladda iyo horumarka oo ay wada hogaaminayeen isaga iyo madaxweynaha hadda Cabdalla Guul.
2002 ayaa xisbiga caddaalada iyo horumarka uu ku guulaystay aqlabiyadda kuraastii baarlamaanka , balse Erdogan ma noqon ra’iisal wasaare madaama laga mamnuucay siyaasadda waxaa xilka qabtay gudoomiye ku xigeenka xisbiga ahna madaxweynaha haatan Cabdalla Guul.
2003 ayaa maxkamadda sare oo ay awood ku leeyihiin militariga ilaaliya cilmaaninimada Jamhuuriyadda Turkiga ay soo saartay go’aan ay ku diiday doorashadii baarlamaaniga ee dhacday 2002 waxayna amartay maxkamadu in markale lagu celiyo doorashada.
Doorashadii ku celiska ahayd ayuu markale xisbiga Erdogan helay aqlabiyadda codadkii, nasiib wanaagna waa la qaaday xayiraaddii saarnayd , wuxuuna noqday ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga.
Erdogan markii uu qabtay xukunka wuxuu sare u soo qaaday dhaqaalaha dalka Turkiga, wuxuu xuquuq badan u ogolaaday dadka Kurdiyiinta ah ee dalkaasi, wuxuuna dagaal siyaasadeed la galay militariga cilmaaniga ah oo ugu dambayntii uu ku guulaystay inay iska casilaan xilalkii ay hayeen , Turkiguna uu noqdo waddan dimuqraadi ah oo shacabku ay leeyihiin xuquuqo badan.
Waxaa kale oo uu ka qaaday xayiraadda saarnayd gabdhaha xijaabka qaata oo aan loo ogolayn inay ku galaan xijaabka jaamacadaha dalka iyo waliba xarumaha dawladda.
Waxaa uu xiriir wanaagsan la yeeshay midowga Yurub , isagoo ku guulaysan waayay inuu Turkigu noqdo xubin buuxda kadib markii ay Faransiiska iyo Jarmalku ka biyo diideen in dal Islaam ah oo ay ku noolyihiin 80 milyan loo ogolaado xubinnimada midowga Yurub.
Taa badalkeeda Erdogan waxaa uu u soo wareegay dhanka waddamada Islaamka, waxaana uu xiriir adag la yeeshay markii ugu horreysay wadamada carabta iyo Iiraan, taasoo loo arkayay in Erdogan uu kaga aargudanayay reer Yurub.
Erdogan iyo boqorka Sucuudiga Cabdalla bin Cabdil Caziiz
Erdogan ee saddex jeer oo is xigta loo doortay ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, waxaa uu noqday hogaamiye u dooda xuquuqda shucuubta Islaamka ah ee la dulmiyay.
Waxaase si wayn loo xasuustaa markii uu si kulul u caayay madaxweynaha Yuhuuda Shimon Berez shirkii Davos xilligaas oo uu difaacayay falastiiniyiinta markinka Qaza.
Waxaa kale oo uu hoos u dhigay xiriirkii u lalahaa Israel markii ay dishay 9 qof oo u dhashay Turkiga oo mucaawino u siday marinka Qaza, isagoo ka qaatay safiirkiisii Israel , xiriirkiina u jaray Yuhuudda.
Dadka wax ka qora taariikhda Erdogan waxaa ay ku tilmaameen inuu yahay nin Yuhuudda aad u neceb, taasoo soo dedejisay markii uu xukunka qabtay inuu xumaaday xiriirkii u dhexeeyay Turkiga iyo Israel.
Erdogaan maanta waxaa uu ku suganyahay magaalada Muqdisho, isagoo u gurmaday shacabka Soomaaliyeed xilli u caalamku indhaha ka dabooshay.
Hogaamiyahan oo horumar gaarsiiyay dalkiisa ayaa tagay Soomaaliya oo aysan ku dhiirran hogaamiyayasha caalamku inay booqdaan, iyagoo u sababaynaya dhanka ammaanka, balse Erdogan waxaa uu meesha ka saaray arrinkaas, isagoo Soomaaliya xaaladda ka jirta ku tilmaamay inay tahay imtixaan laga qaadayo aadamaha.
Axmed Cabdisamad
Nairobi , Kenya
Related articles
- Mahiiga oo sheegay in Qaramada Midoobay ay soo dhaweynayso magacaabista R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya (somaliswisstv.com)
- C/xakiin Xaaji M. Fiqi oo ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga oo soo dhoweeyey Wasiiradii Cusub. (somaliswisstv.com)
- Shir ay yeesheen golaha wasiirada dowladda KMG oo maanta loogu hadlay Arrimo la xiriira Abaaraha iyo Barakacayaasha. (somaliswisstv.com)
- Madaxweyne Shariif oo xalay shahaado iyo Billad Sharaf gudoonsiiyey ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya. (somaliswisstv.com)
Filed under: Nairobi |
You must be logged in to post a comment.