Maleeshiyo beeleed gashan dareyska Ciidanka Dowladda KMG ah oo falal dil, dhac iyo boob ah ka wada degmooyinka Boondheere iyo Shibis.

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa iso soo taraya cabashooyin ka imaanaya qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir in Maleeshiyooyin beeleed  gashan dareyska ciidamada Dowladda KMG ah ay falal isugu jira dil, dhac iyo boob.

Degmooyinka cabashada ka soo yeeraao waxaa ka mid ah degmooyinka Boondheere iyo Shibis oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay ka baxeen maleeshiyo ka tirsan xarakada Al-Shabaab, iyadoo kooxahaasi ay qaab ciidan oo kale ah dadka ugu geysanaya tacadiyo kala duwan isla markaana aanay jirin cid wax ka qabaneysa.

Dadka degan degmada Boondheere ayaa laba habeen ka hor waxaa loo dilay haweynay wadatay Taleefanka gacanta, kaddib markii maleeshiyo beeleedyada la ciidameeyay ay ugu tageen gurigeeda, iyagoo iska dhigaya ciidamo doonaya inay baaraan guriga, hase yeeshee markii dambe ku amray inay taleefanka ku wareejiso kaddibna dhowr xabadood lagu dhuftay jirkeeda iyadoo ku geeriyootay isla goobtaasi.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in 24-kii saac ee la soo dhaafay in ka badan sodon ruux oo iyagu soo eeganayay guryahooda ku yaala degmooyinka Shibis iyo Boondheere ay siyaabo kala duwan waxay maleeshiyooyinka hab beeleed isku abaabulay tacadiyo isugu jira dhac, jirdil iyo boob ugu geysteen,qoysas deggen degmooyinkaas.

Dhanka kale ilaa iyo haatan ma jiraan wax tallaabo oo ay Dowladda KMG ah ka qaaday maleeshiyooyinka qaabka beeleed isku abaabulay oo degmooyinkaasi ka wada falalka lagu dhibaateynayo dadka rayidka ah,

Si kasta ha ahaatee  waxaa arrintan ay niyad jab ku tahay kumanaan qoys ee labadaasi degmo ku haminayay inay dib ugu laabtaan guryahooda kaddib markii ay ka carareen koooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida ee halkaasi dagaalada ka waday.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: