Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo la filaya inuu booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho.

http://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/c/c5/Sakehi.jpg/502px-Sakehi.jpg

 undefinedHalkaan ka akhri

War ay qoreen Wargeysyada ka soo baxa dalka Iraan ayaa sheegaya in Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iran uu ku soo food leeyahay Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho waxaana la sheegay in booqosho maalin ah uu ku imaan doono Soomaaliya Ujeedada booqashadiisa ayaa lagu sheegay inay la xiriirta sida dadweynaha soomaaliyeed ula qaybsan lahaa Xaaladda adag ee ay ku jiraan, si uu u booqdo xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha.

War ka soo baxay xafiiska Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iran oo saakay laga sii daayay idaacadda dowladda Iran ayaa lagu cadeeyay in maalmaha soo socda uu booqsho ku imaan doono wasiirka arrimaha dibadda Iran Ali Akbar Salehi si ay dowladda Iran ugu qayb qaatado taakuleenta dadka ku jira xeryaha barkacayaasha ee ay abaarta la degtay.

War-saxaadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iran ayaa waxaa lagu sheegay ay sii daaysay idaacadda dowladda Iran in booqashada wasiirka ay muujineyso sidii caalamka loogu muujin lahaa xaalada dhabta ah ee Soomalaiya ka taagan oo u baahan in wax laga qabto taasi oo ay ugu daran tahay abaaraha.

Sidoo kale hay’adda bisha Cas ee Iran ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u soo direyso markab sida shixnad gargaar ah oo loogu tala galay dadka ay abaaru saameyeen eek u nool guddaha Soomaaliya.

Ha yeeshee Saciid Mataaci oo ka tirsan hay’adda bisha Cas ee dalka Iran oo la hadlayay Tvga qaranka dalkaasi ayaa wuxuu yiri:.“Iran Soomaaliya waxa geeyn doontaa gargaarkeedi afaraad si loo caawiyo dadka ku nool meellaha nabdoon hadana ay saameysan abaarta dalka Soomaaliya ka jirta”.

Dhanka kale Iran ayaa ka mid ah wadamada dunida Muslimka ee bilaabay inay u soo gurmadaan bulshadda Soomaaliyeed ee muddada dhibaatooyinka ay haysteen islamarkaana ay colaad raagtay u dheertahay.

Si kasta ha ahaatee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in inka badan 3.7 million oo qofoo Soomaali ah ay haysato macaluul daran oo ka dhalatay abaaraha dalka ka jira.

SomaliSwiss     Tehran

SomaliSwiss@hotmail.cm

%d bloggers like this: