Madaxweyne Ismail Cumar Geelle oo si diiran loogu soo dhaweeyey caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa Saakay Garoonka diyaaradaha Caasimadda dalka Soomaaliya ee  Muqdisho soo gaartay diyaarad siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle markii u ka soo dagay diyaaradda ayaa waxaa si diiran garoonka ugu soo dhaweeyay madax uu hoggaaminayay Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Waxaana Isla markiiba loo soo galbiyey Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, hase ahaatee  imaatinka Madaxweyne Gelle uu aha mid aan horay loo shaacinin, balse la filayo in saacadaha soo socda la filaya in la shaaciyo ujeedada Socdaalkiisa waxa uu ku saabsan yahay, ayna si wada jir ah uga hadli doonaan labada Madaxweyne.

Sidoo kale soo dhaweynta Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa ka qayb qaadanaya dadweyne oo u fara badan oo buux dhaafiyay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoo ay kor u sidaan sawirrda mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: