Madaxweyne Sheikh Shariif oo wax kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Hay’adda Xuquuqda Aadanaha (Human Rigths).

undefinedHalkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMGSoomaaliya ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadal dhawaan ka soo yeeray Hay’adda Xuquuqda Aadanaha (Human Rigths), hadalkaasi oo lagu shegay in dowladda KMG ahi ay tacdiyado ka geesatay dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay hadalkii ay hay’adda Xuquuqda Aadanaha (Human rigths), waqtigaas oo Madaxweynuhu ku sugan caasimada dalka Burundi ee Bujunbuura wuxuuna ku tilmaamay in dowladda Soomaaliyeed in aysan dalka dhibaato ka geysan islamarkaana uu waxba kama jiraan yahay hadalkaasi, isagoo tilmaamay in hadlkaasi uu yahay mid dacaayo ah oo sharfta dowladda wax loogu dhimayo.

Waxaa uu hoosta ka xariqay madaxweynaha in ay dowladda ku howlan tahay sidii dalka looga samata bixin lahaa dhiibaayada muddada dheer uu ku jiray islamarkaana ammaan iyo kala danbeyn loogu soo celin lahaa.

Dhimaca kale madaxweyne Shariif ayaa ka hadlay xaalada ammaan ee dalka waxa uuna sheegay in lagu talaabsaday hormar aad u ballaaran, isagoo farta ku fiiqay in la sii wadi doono hormarada laga gaarayo dhinaca amniga.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka la keeni doono ciidamo hor leh oo ku soo biiraya kuwa Midoowga Afrika ee AMISON maadaama ay guullo biloowdeen, waxa uu intaa ku daray in dowladda Burundi ay ballan qaaday in ay Soomaaliya ku taageyreeso ciidamo badan.

Si kasta ha ahaatee hadalka madaxweyanaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli dhawaan ay hay’adda Human rigth ay shaacisay hadal shegaya in dowladda Soomaaliya ay dalka tacdiyado ka geesatay, iyadoo dhinaca kale guddaha dalka ay ka socdaan howgallo xooggan oo inta badan dalka looga xureeyay kooxda Shabaab.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: