Ergeyga Ururka Midawga Africa oo sheegay inay habboon tahay in wada hadal nabadeed lala galo Al-Shabab haddii ay ogolaadaan

undefinedHalkaan ka akhri

Jerry John Rawlings oo ah Ergeyga Ururka Midwwga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa wuxuu maanta saxaafadda kula hadlay magaaladda Abuja ee xarunta dalka Nigeria, wuxuuna sheegay inay habboon  tahay in wada hadal lala gelo hogaanka Xarakadda Al-Shabab ee dagaalada kula jira ciidamada dawlada iyo kuwa Midawga Africa ee AMISOM.

Sidoo kale Ergeyga Ururka Midwwga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Jerry John Rawlings wuxuu amaanay guulihii ay sida wada jirka ah u gaareen ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM, wuxuuna tallaabo wanaagsan ku tilmaamay in wada hadalo lala furo Al-Shabab, haddii ay dhankooda ogolaadaan sida uu yiri.

Dhanka kale Mr. Jerry John Rawlings wuxuu sheegay in ciidamada dawlada KMG Soomaaliya iyo kuwa midawga Africa ay qaadeen tillaabooyin amaanka lagu xaqiijinayo, ayna fududaatay in gar gaarka si fudud loo gaarsiiyo dadka abaaruhu sida weyn u saameeyeen ayaa hadana waxaa uu sheegay inaysan mudneyn in meesha laga saaro in lala xaajoodo Al-Shabab intooda nabada jecel isla markaana ayba suurto gal tahay in la soo dhaweeyo oo lala hadlo.

Ergeyga Ururka Midwwga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo hadlkiisa sii wato wuxuu yiri: “Wax shaki ah kuma jiraan in Muqdisho hormar dhanka amaanmka ah laga gaaray waase in mudnaan la siiyo oo la suurto galiyo in wada hadal lala galo Shabaab intooda nabada  daneynaysa”

Si Kasta ha ahaatee Mr Rawlings wuxuu sheegay in madaxda dawlada Nigeria uu u kala hadlay u gar gaarida dadka abaaruhu ku habsadeen ee ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.

SomaliSwiss   Abuja

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: