Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku ballaariyey deegaanno cusub oo ka mid ah waqooyiga Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

 

Ciidamada  Xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay la wareegay islamarkaasna isku ballaariyey xaafado hor leh oo ka tirsan degmada Yaaqshiid kaddib howlgal ay halkaasi ka bilaabeen.

Howgalka ciidamada dowladda iyo deegannnada ay la wareegeen ayaa waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha guutada labaad ee illaalada Madaxtooyada Qaranka G/sare C/laahi Cali Caanood, wuxuuna sheegau in ciidamadu ay saakay gaareyn deegaanno ay ka mid yihiin Xaruntii hore Talifeshinka Qaranka, xaafado Juungal isgoyska Fagax, iyo meelo kale.

Sidoo kale Taliyaha guutada 2aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in ciidamadu aysan la kulmin wax iska cabin aad u xooggan ah balse maleeshiyaad haaridi ah ay xabado aan badneeyn soo tuur tuurayeen, isagoo intaa ku daray in ciidamada ay isku fisin doonaan dhammaan xaafadaha degmada yaaqshiid howgalkuna uu sii socon doono.

Dhanka kale G/sare Caanood ayaa ugu baaqy maleeshiyaadka haraadiga ah in ay isa soo dhiibaan, haddii kale gacanta lagu soo dhigin doono kadibna la marin doono Ciqaab sharciga waafaqsan, isagoo shacabka Soomaaliyeedna ka codsaday in aysan ku soo deg degin meellaha Shabaab laga xureeyay, taasoo looga baqaayo inay kala kulmaan waxyeelo la xiriira qaraxyo.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: