Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Sheikh Shariif oo saakay ka dhoofay daroonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa saakay ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isaga oo ku soo jeeda magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Brundi.

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Ra’isulwasaare kuxigeennada ahna Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga,Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka.

Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa magaalada Bujumbuura kula kulmi doonna dhigiisa dalkaasi oo uu kala hadli doonno xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha la xiriira Amniga oo maalmihii lasoo dhaafay ay Dowladdu horumar ballaaran ka samaysay iyo sidii loo heli lahaa Ciidamo baacsada Xarakada Al-Shabaab .

Sida la wada ogsoon yahay Dowladda Brundi ayaa waxay qayb ka tahay dowladaha ka qeyb qaadanaya howlgalka Nabad ilaalinta ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Caasimada ah ee Muqdisho oo haatan ku sugan Kumanaan Ciidammo ah kuwaas oo ka qeyb qaadanaya howlgalka hada ka socda Muqdisho.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: