Advertisements

Ciidamada Badda Mareykanka oo la sheegay inay ku qabteen Biyaha u dhaxeeya Yemen iyo Somalia markab hub u siday xarakada Al-Shabaab.

undefinedHalkaan ka akhri

Qaar ka mid ah Warbaahinta dalka yemen ayaa shaaciyey in ciidamada Mariiniska Mareykanka ay qabteen markab hub u siday ururka xarakada Al-Shabaab, Markabkaasi oo marayay biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yeman.

Qabashada markabkaan ayaa la sheegay inay ka danbeysay kadib markii uu  gudha biyaha Soomaaliya soo galay, islamarkaasna uu dhagaha ka furaystay amar ay ku soo rogeen Ciidamada Maraykanka, waxaana halkaasi ka dhacday israsaaseyn dhexmartay dablay saarnayd Markabkaasi iyo ciidamada Maraykanka.

Hase ahaatee Ciidamada Mareykanka ayaa uga dambeyntii ku guuleystay inay gudaha u galaan markabka, kaddib markii kooxada hubeysan ee markabkaasi saarnaa laga dhigay qaar la dilay iyo qaar is dhiibay, waxayna ciidamadu la wareegeen Markabkii oo idil.

Balse waxaa la sheegay in Markabka hubka u siday Al-Shabaab uu ku sii jeeday dekedda magaalada Kismaayo, hase yeeshee sarkaal u hadlay ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in markabka ay ku hayaan baaritaanno dheeraad ah oo la xariira hubka uu sido markab ka baxay wadanka Yeman kuna socday dekeda magaalada Kismaayo, sidoo kale ciidamadu waxay baarayaan halka Hubkaasi laga keenay.

SomaliSwiss       Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: