Afhayeenka AMISOM oo shaaca ka qaaday inay weerarayaan gobalada ay maamulaan Xarakada Al-Shabaab.

undefinedHalkaan ka akhri

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Paddy Akunda   ayaa shaaca ka qaaday in haddii ay yimaadan ciidamo dheeraadka ah ay weerari doonaan gobalada ay maamulaan Xarakada al-Shabaab sida: Bay Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

 Sidoo kale Afhayeenka AMISOM wuxuu beeniyay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho ciidamadooda looga dilay ilaa 50-Ciidankooda ah sida ay sheegeen Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inaysan ka walwalsanayaan in Al-Shabaab sii wado dagaalo ku dhifo ka dhaqaaq ah.

Paddy Akunda  oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Wajigii koowaad ee dagaalka waan ku guulaysanay, waxaana bilaabi doonaa wajigii labaad, Al-Shabaabna waa ka baxeen magaalada Muqdisho oo idil” sidaas wuxuu Afhayeenka Ciidamada AMISOM uu wareysi ku siinaayay Idacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii Afhayeenka AMISOM wuxuu ka codsaday Shacabka Soomaliyeed inay kala  shaqeeyaan Sugida dhinaca ammaanka waxaana uu sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay digtoonaadaan maadaama Al-Shabaab uu ku tilaamay inay yihiin dad nabad diid ah.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: