Wasiiradda arrimaha dibbadda wadamada South Africa iyo Tanzania oo sheegay in Somaliland aysan ka go’in Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Wasiiradda arrimaha dibbadda wadamada  South Africa iyo Tanzania ayaa sheegay inaysan Somaliland u aqoonsan doonin dawlad Soomaaliya inteeda kale ka madax banaan.

Dhanka kale Kulan ay labada wasiir ku yeesheen magaalada Pretoria ayaa waxay ku sheegeen inay diidan yihiin maamulka Somaliland loo aqoonsado dal madax banaan oo geeska Africa ku yaala waxayna sheegeen inay ka biyo diideen inay aqoonsadaan.

Sidoo kale Wasirka arrimaha dibbadda dalka Tanzania Bernard Membe ayaa sheegay in Somaliland ay ka mid tahay dhulweynaha Soomaaliya islamarkaana aysan ka go’I Karin sida ay asaga la tahay waxaana uu ugu baaqay wadamada kale ee Africa inay ka foojignaadaan in Somaliland dal loo aqoonsado.

Mr. Bernad Membe ayaa xusay inuu dhawaan la kulmay wafdi ka socday maamulka Somaliland oo u sheegay inay yihiin gobol ka mid ah jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibbada iyo xiriirka caalamiga ah ee dawlada South Africa  Maite Nkoana-Mashabane ayaa asna sheegay in Somaliland ay ku dadaashay wax ka qabashadda amaanka hase ahaatee ay ka mid tahay Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee waxaan muran ku jirin in Gobolada waqooyi ee Somaliland ay ka mid tahay meelaha ugu nabdoon ee Soomaaliya inkastoo Maamulka Somaliland ay sheegatay in Soomaaliya inteeda kale ka go’day

SomaliSwiss      Pretoria

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: