SomaliSwiss oo Akhriste-yaasheeda uga digaysa Tuugo casri ah oo ka jilaabata Soomaalida.

undefinedHalkaan ka akhri

SomaliSwiss waxay aqristayaasheeda la socodsiinaysaa isla markaana uga digaysaa Tuugo Casri ah oo ku Shaqaysanaysa Magaca Hayada WFP, taas oo lagu dhacayo umadda Soomaaliyeed, arintaan oo ilaa iyo bishii May ee lasoo dhaafay kusoo badanaysay isticmaalayaasha hotmail.com ayaa waxaa loo soo dirayay Email. wfpkenya@hotmail.com kaas oo dadka loo dirayo loogu sheegayo inay ku guulaysteen lacag, waxbarasho dhaafitaan 3 waddan oo yurub ah: wuxuu u qoran yahay e-mailka been abuurka ah ee dadka soomaaliyeed loo dirayo sidan .

Assalamu caleikum? walal adoo raali ah waxaanu kuogeysiineyna in aad heshey Hadiyaat Qaali ah oo ay bixiso Haiyada caanka ah ee WFP Kenya. Walal hadaba ilah kumahadnaq waxey Haiyadu kugudeqeysaa lacag dhan 1500 $ iyo weliba Safar lacag la’an oo aad kuadeysid halkaad dontit marka lagatago Yurup iyo America hadii aadan wadanin Passport Israel ah. Hayiadu waxey gudonsineysa Hadiyadan in kabadan 20 ruux oo badankood ay yihiin ardadii iyo macalimintii Somalia.
Ayadoo haiyadu ay iskudeyeyso iney kacaawiso xaga waxbarashada iyo weliba dhanka managameniga.
Hadaba walalow si aynu udhameyno howshaan waa inaad laxariirtit
Xafiska WFP ee kuyaal Nairobi.
Sari Centre 2floor
hadii aadan wadanka joogina fadlan laxariir
Abdulqadir  Osman Cabdule Tell:+25470213
8072 Nairobi Kenya .  Somalia kala xariir  Amina Mohamed Ducale  +25224723400 Burco, ama   Abdulahi Ali Raage +25290569329 Bosaso  webside-ka Haiyada  www.haiyadarashinka.org .    Ogeysiska BBC-da http://www.bbc.co.uk/somali/war/2010/09/100913_wfp.shtml
Sercretary to Peter Coossess
Fadlan waxaa lagugula talinaya inadan usheegin Hadiyadaan tadyaqana passworkaga hadii adsameysidhna  dadkale ayaa dhibankara codsigaka
Wabilaahi Towfiq

Hadaba Akhristeyaasheenna, familadooda iyo asaxaabtooda waxaan kula talinaynaa inay fiiro gaar ah u yeeshaan waxa warqadda idinkaga muuqda maahan astaantii hayadda lagu yaqiinay, website-kuna maaha kii WFP, telefoonaduna maaha.

Si aad u ogaato Website-ka saxda ah ee WFP Kenya, telefoonadooda iyo wixii la xiriira halkaan ka dheeho.HALKAAN RIIX

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: