Ra’isal Wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay.

undefinedHalkaan ka akhri

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG Soomaaliya Mudane Dr. C/weli Maxmaed Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi sare oo ay hogaamineyso Vlarie Amos oo ah ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Q/midoobay ee arrimaha Bani’aadanimada.

Sida lagu soo warramay Kulanka labada mas’uul ayaa soconayay muddo saacado ah, waxaana lagu lafa guray arrimaha Bani’aadaminimada dalka Soomaaliya, gaar ahaana abaaraha ku dhuftay gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo gabo gabadii kulankoodana ay saxaafada u faah faahiyeen natiijada kulankooda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarae Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u sheegay warbaahinta inay ka wada hadleen wefdiga ay hogaamineysay Vlaria Amos arrimaha Bani’aadanimada iyo sidii Q/midoobay ay u ballaarin laheyd dedaalkeeda ku aadan u gargaarista shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu aafeeyeen.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo sugi lahaa ammaanka goobaha laga saaray Al shabaabka si howlaha gargaarku ay u noqdaan kuwa si habsami leh u socda.

Dhanka kale Vlaria Amos oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha Bani’aadaminimada iyo xaaladdaha deg deg ah ayaa iyaduna sheegtay in Qaramada Midoobay ay ballaarin doonto howlaha gargaarka Soomaaliya, waxayna tilmaantay in xaaladda abaarta dalka Soomaaliya ay tahay mid heerkeedu sareeyo oo caruurtu ay u dhimanayaan nafaqo darro.

Vlaria Amos oo hadalkeeda sii wadata waxay Tiri: “Waxaan soo booqday Isbitalka Banaadir waxaana ku arkay xaalad aad u liidato oo caruurta” waxayna tilmaantay in Qaramada Midoobay ay laba jibaarii doonto gargaarka Soomaaliya si looga hortago macluusha sii baaheysa ee gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Uga danbeyntii, Vlaria Amos iyo wafdiga ay hogaamineysay oo uu ku jiray isku-xiraha howlaha gargaarka Bani’aadanimada ee Q/midoobay Mr. Mark Bowden ayaa waxay kormeer ku tageen Isbitalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir halkaasoo ay jiifaan boqolaal caruur ah oo la il daran nafaqo darri qaarkoodna la il daran cudurka shuban biyoodka.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: