Hay’adda Caafimaadka dunida (WHO) oo sheegtay in cudurka daacuunka uu ka dillaacay Muqdisho, khatar weynna uu ku hayo dad badan

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Haya’dda WHO ee Caafimaadka dunida ayaa sheegtay in cudurka daacuun caloolaha lagu arkay magaalada Muqdisho iyo daafaheeda, iyadoo sheegtay in cudurkan uu khatar weyn ku hayo caruur fara badan oo Soomaaliyeed.

Hay’addu oo shalay warbixin ka soo saartay cudurka daacuun caloolaha ayaa sheegtay in tiro ka badan 4,000 qof oo Caruur u badan oo cudurka shubanka ah laga baaray oo la  sheegay in sannadkan oo keliya laga diiwaan-geliyay isbtiaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir oo ku yaalla Muqdisho.

Warbixinta ay hay‘adda WHO soo saartay ayaa lagu sheegay in Caruurta da’doodu ka yar tahay shan sano ay 75%  laga helay cudurkan cudurka daacuun caloolaha, sidoo kale warbixnta ayaa lagu sheegay in cudurkan uu si dhaqso ah ku baahi karo, haddii aan laga hortagin.

Sidoo kale Hay’adda WHO waxay intaas ku dartay in la geeyay goobaha uu cudurkan ka dillaacay qalabkii iyo daawooyinkii lagula dagaalami lahaa, iyadoo la sheegay in 2,000 oo kiis oo cudurkan ah laga heli karo goobaha ku dhow caasimadda.

Sida ay hay’addu sheegtay in cudurkan ayaa sida badan wuxuu ka yimaadaa biyaha wasaqaysan oo la cabayo oo aan ahayn marka hore la nadiifin, wuxuuna ka jiro Xerooyinka ay ku jiraan dadka ka soo cararay abaaraha iyo dagaalada  ee ka socda dalka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin jiritaanka cudurkan iyadoo dowladdu ay horay gaashaanka ugu dhufatay in cudurka daacuunka uu ka dillaacay magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: