Diyaarado ka yimid dalka Turkiga oo siday gargaar loogu tala galay dadka tabaaleysan oo soo gaaray garoonka diyaaradaha Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Waxaa shalay iyo maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho soo gaaray Shan diyaaradood oo sidday gargaar loogu tala-galay dadka tabaaleysan kana timid dalka Turkiga.

Sidoo kale Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa maanta barqanimadii ka soo degay laba diyaardood oo sidday gargaar bani’aadanimo oo ay soo dhiibtay Hey’adda bisha cas ee dalka Turkiga halka maalintii shalayna ay garoonka ka soo degeen Sadex diyaaradood oo ka timid dalka Turkiga, kuwaas oo qeyb ka ah raashin gargaar ah oo gaaraya ilaa Shan Boqol oo kun oo Tan oo dowladda Turkigu diyaarado ku keeneeyso Muqdisho.

Mudane Kamaaludiin oo ah madaxa wafdiga ka socday dalka Turkiga ayaa Radio Muqdisho u sheegay in 15 ka bishan Dekedda Muqdisho uu ku soo xiran doono Markab sida raashin dhan Shan Kun oo Tan oo ay soo dirtay Hey’adda Bisha cas ee Turkiga kaas oo loogu talagalay in lagu gargaaro dadka barakacayaasha ah ee tabaaleysan.

Dowladda Turkigu ayaa  go’aansatay in Raashin gargaar ah ay ku keentay hawada iyo Badda ayaa si toos ah loogu wareejinaya Dowladda KMG ah si ay ugu qeybiso dadka dhibaateeysan, waxaana arintani qeyb ka tahay gurmadka loogu jiro badbaadinta dadka ku ceyrtoobay abaarta daran ee ka taagan dalkeenna.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: