Dowladda Uganda oo sheegtay in ciidamo dheeri ah u soo direyso dalka Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

War ka soo baxay xarunta madaxtooyada dalka Uganda ayaa sheegay in Madaxwayne Museveni uu sheegay in uu u soo dirayo dalka Soomaaliya ciidamo dheeri ah si ay ugu biiraan howlgalka ciidamada AMISOM ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxwaynaha dalka Uganda ayaa warbaahinta dalkiisa warbixin ka siiyey sida ay u socdaan howlaha Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya wuxuuna  sheegay in haatan ay Ciidamadu ay Muraalkoodu dhisan yahay howlahoodana ay  si xowli ah ku socdaan, waxaana dhowaan ku biirin doonaa ciidamada kale ee xoojiya howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya.

Madaxwayne Yuweri Musefwani ayaa sheegay in ciidamada  lagu kordhin doono ay  ay gaarayaan ilaa iyo 2000,askari, si ay u sii xoojiyaan ciidamada ku sugan magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku howlan nabad ku soo celin Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxwaynaha ayaa tibaaxay in soo diristooda ciidamadaas ay ka danbeysay kaddib markii lagu guuleystay kooxdii argagixisada ahayd ee Shabaab oo  laga saaro caasimada Soomaaliya ee Muqdisho si loo dhameystirana howlgelka waxaa haatan socda qoorshihii ay Ciidamada ugu fidi lahayeen gobollada dalka Soomaaliya.ee ay Shabaabku ku danbeeyaan.

Madaxwaynaha dalka Uganda oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri:.“Soomaaliya in dhammaanteed ay nabad noqoto ayaa inoo muuqata waxaa si buuxda loo sugaa ammaanka magaalada Muqdisho kaddib howlgal ay si  wada jir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midoowga Afrika ee AMISOM sidaasi darteed waa lagama maarmaan tahay in la helo xalka ugu danbeeya ee xoojin kara nabada”.

Ugu danbeyntii Musefwani ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada la soo diraayo loo dhamaystiri doono qalabkooda maalmaha soo socda, kaddibna ay tagi doono magaalada Muqdsiho, wuxuuna intaas uu ku daray Madaxweynuhu in dowladda Uganda  ay sii laba jibaarayso taagerada ay siineyso ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss         Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: