Dowladda Fransiiska oo sheegtay inay kornineyso gargaarka ay siinayso wadamada Geeska Afrika.

undefinedHalkaan ka akhri

Dowladda Fransiiska ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay xaaladda Abaaraha ee ka jira Geesaka Afrika, gaar ahaan dalka Soomaaliya, waxayna sheegtay in dowladda France ay laba laabeyso gargaarka ay ugu tala gashay gobolka geeska Africa ee ay abaaaraha daba-dheeraaday ka taagan yihiin.

Sidoo kale Dowladda Faransiisku ayaa warsaxaafadeedkeedu ku sheegtay in ay ka jawaabayso musiibada ka jirta Geeska Afrika, waxayna xoojinaysaa gargaarka la gaarsiinayo wadamada ay abaaruhu sida ba’an ugu  dhufteen gaar ahaan Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha Fransiiska Nekoly Zarkosy ayaa sheegay in ay dowladdiisu ay ka go’an tahay ballaarinta deeqaha gargaar ee lagu bad baadinayo dadka gaajada gobolka geeska afrika ugu geeriyoonaya, sidoo kale deeqda ay dowladda faransiiska haatan bixinayso ayaa lagu sheegay in ay gaareyso 30 milya  Euro balse markii hore lagactaasi ay ahayd 10 mullion oo Euro.

Sida ay sheegtay Dowladda Faransiiska ayaa deeqda lacagta ah ay sii marsiin doontaa hey’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa aan dowliga aheyn ee NGOyada oo iyagu ku shaqa leh arrimaha gargaarka Hey’adaaas waxaa ka mid ah WFP, UNICEF , UNHCR, IOM, OCHA.

Source:   AFP Paris

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: