Advertisements

Sheikh Xasan Daahir oo sheegay in uu jiro khilaaf ka dhaxeeya madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab.

undefinedHalkaan ka akhri

Sheikh Xasan Daahir Aweys oo la hadlayay qaar ka mid ah Warbaahinta, kadib markii ay baneeyeen Xarakada Al-Shabaab inta badan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Saraakiisha sare ee Xarakada.

Waxaa uu sheegay Xasan Daahir in qilaafka u dhaxeeya saraakiisha Al-Shabaab  uu salka ku hayo ka bixitaankii inta badan gudaha magaalada Muqdisho iyo xuskii degmada Afgooye loogu sameeyay Hogaamiyihii Al-Qaacida Sheikh Osama Bin Laden oo raga qaar ay diidanaayeen, inkastoo taasi uu sheegay in markii dambe la xaliyay.

Sidoo kale waxaa uu carabka ku dhuftay in marar badan ay soo jeediyeen isaga iyo Saraakiil kale oo kamid ah Al-Shabaab in ay isaga baxaan magaalada Muqdisho si dagaalka ay uga dhigaan sida kuwa dalalka Pakistan iyo Afghanistan, sida uu hadalka u dhigay, balse waxaa uu cadeeyay in arintaasi ay ka biya diideen Saraakiil kamid ah Xarakada,  isagoo sheegay in ay qalad aheyd in la is hortaago ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM maadama ay wataan taangiyo dagaal oo cul culus, halka ciidamada Al-Shabaab ay wataan qoryo gacameed.

Si kasta ha ahaatee Sheikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu sheegay in qaar kamid ah ciidamada Al-Shabaab ay wali ku harsan yihiin qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, isla markaana ay sii wadaayaan dagaalada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay in ay u badalanaan  weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah inta ay dalka ka saarayaan, sida uu hadalka u yiri.

Xoogagga Al-Shabaab ayaa dhowaan waxaa laga saaray inta badan xaafadaha Muqdisho, inkastoo ay weli ku harsan yihiin xaafado ay kamid yihiin Suuqa Xoolaha, Towfiiq, Jungal, Huruwaay Waxara-cade iyo kuwa kaloo yar yar.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: