Dowladda Maraykanka oo Sheegtay in ay isu qaban qaabinayaan sidii ay fara galin ciidan uga sameyn lahaayeen dalka Soomaaliya.

undefinedHalkaan ka akhri

Warka soo baxay Maamulka Madaxweyne Obama ee dalka Maraykanka ayaa sheegaya in Dowladda Mareykanku ay isu qabanqaabinayso sidii faragalin Militry oo uu Soomaali ku sameeyo si gargaarka bini’aadanimo loo gaarsiiyo dadka dhibaateysan ee ku nool gobolada Bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Warkan oo warbaahinta ka  soo xigtay Xog’hayaha arrimaha dibbadda Maraykanka Hillary Clinton ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanku ay wadaan qorshe ay ugu diyaar garoobayaan sidii ay faragalin dhanka ciidamada ah ugu sameyn lahaayeen Soomaaliya sababo lagu sheegay in loo baahan yahay in gargaarka la gaarsiiyo dadka macaluusha oo baahida u il daran ee ku nool gobolada ay ka jiraan M/mulada Xarakadda Al-Shabab.

Xog’hayaha arrimaha dibbadda Maraykanka Hilary Clinton waxay xustay in maalin ay macaluul iyo baahi u naf waayaan boqolaal ruux oo haween iyo caruur u badan kuwaasoo laga hor taaganyahay inay cawimaad helaan sida ay hadalka u tiri.

Sidoo kale Hilary Clinton waxay xustay inay lacago ku bixinayaan u kaalmeynta dadka abaaraha la dhibaateysan ee Soomaaliya ku nool si gaar ah waxay u tilmaantay inay la shaqeynayaan cid kasta oo gar gaar bini’aadanimo gaarsiin karta dhulka Shabab ka taliyo.

Dhanka kalena ku xigeenka maamulka Obama  dhanka hay’adda gar gaarka ee USAID  Donald Steinberg ayaa sheegay in dadka badankiis ay cawimaad u baahan yihiin, sidaas darteedna ay waajib tahay  in la gaarsiiyo.

Mas’uulka madaxweyne Obaama uga qaabilsan dhinaca Gargaarka  Mr. Donald Steinberg wuxuu ku eedeeyay Xarakadda Al-Shabab inay dayacday nolosha kumanaan ruux oo ku nool deegaanada ay ka taliso oo ay macaluul hayso isla markaana loo diiday inay aadaan goobaha kaalmada ay ka heli karaan.

Si kasta ha ahaatee Maraykanka ayaa taageero Militry siiya ciidamada Midawga Africa ee AMISOM oo dagaalo toos ah kula jira kuwa ururka Xarakada Al-Shabab.

SomaliSwiss      Washington

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: