Halkaan ka akhri
Kaaliyaha  Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay dhanka tacadiyada loo geysto haweenka  Miss Margot Wallstrom ayaa sheegtay inay jiraan tacadiyo badan oo loo geysto haweenka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah xeryaha qaxootiga eek u yaala wadanka Kenya.
Sidoo kale Miss Margot Wallstrom waxay u sheegtay Warbaahinta kala duwan in haweenka Soomaaliyeed ee ka cararay abaaraha ka jira wadanka Soomaaliya ee gaaray xeryaha qaxootiga ku yaala dalka Kenya ay la kulmaan dhjibaatooyin kala duwan sida kufsi, jir dil iyo waxyaabo kale oo halis galin kara nafsadooda. Â
Miss Margot Wallstrom oo hadalkeeda sii wadata waxay tiri: “Aad baan uga walaacsanahay dhibaatooyinka kufsiga iyo jir dilku ka mid yahay ee loo geysto haweenka Soomaaliyeed eek u jira xeryaha qaxtootiga Kenya”, waxayna intaas ay raacisay in meelaha ugu badan ee lagu waxyeeleeyo haweenka ayay ku sheegtay inay mid yihiin xeryaha Dhadhaab iyo IFO ee waqooyi bari Kenya iyo waliba inta ay ku jiraan Wadada ay ku tagaan dalka Kenya. Â
Dhanka kale Miss Margot Wallstrom waxay ugu baaqday wadamada deeqaha bixiya iyo beesha caalamkaba inay gargaaraan oo ay u qabtaan haweenka Soomaaliyeed ee dhibanayaasha ah, balse Miss Margot Wallstrom waxay horey u sheegtay in in ka badan (120,000 boqol iyo labaatan kun) oo ruux oo Soomaali ah aya gudbeewn xaduudaha wadamada Soomaaliya dariska lah kadib markii ay si weyn u saameeyeen abaaraha dalka ka jira.
SomaliSwiss     New York
Filed under: New York |
You must be logged in to post a comment.