Advertisements

Ganacsatada deegaanada loo barakacay oo sheegay in ay usoo guurayaan Muqdisho, kadib markii Al-Shabaab ay Canshuuro kusoo rogeen.

undefinedHalkaan ka akhri

Kooxda Al-Shabaab ee ka arimisa Ceelasha Biyaha iyo Afgooye ayaa waxaa ay amaro kusoo rogeen ganacsatada deegaanada loo barakacay ee duleedka magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye, amaradaasi oo ay kamid tahay in ay bixiyaan lacago ay ku sheegeen in ay tahay cashuur, isla markaana lagu biilayo ciidamadooda, sida ay sheegeen.

Deegaanadaasi ayaa waxaa la sheegay in kooxda Al-Shabaab ay kusoo rogtay amaro kala duwan oo hor leh ganacsatada wax ku iibisa deegaanada loo barakacay ee duleedka magaaladda Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi, Jaamacada Beeraha iyo Afgooye ee gobolka Shabellaha hoose.

Amarada ay kusoo rogeen Al-Shabaab ganacsatadaasi ayaa la sheegay in ay yihiin labo qeybood oo mid kamid ah uu yahay in lacagaha kirada ah ee laga qaado goobaha ganacsiga ee ku yaalla halkaasi si toos ah loogu wareejiyo Maamulkooda ka arimiya gobolkaasi iyo in  sidoo kale ganacsatada ay si hormaris ah u dhiibaan lacago Zakooyin ah oo iyana sida ay sheegeen loo kala qaaadayo labo siyaabood.

Waxa ay sheegeen ganacsatada in lagu amray in hanitida taala goobahooda ganacsi qeyb kamid ah lagu wareejiyo maamulka Al-Shabaab, iyagoo tilmaamay in la faray in cidii ka biya diida amaradaasi guud ahaan lagala wareegi doono goobtiisa ganacsi.

Ganacsatada ayaa waxaa ay sidoo kale sheegeen in amarka ay kusoo rogeen Al-Shabaab deegaanada loo Barakacay uu hirgalayo maanta kuna egyahay 22-ka bishaan aan ku guda jirno wixii ka dambeeyana ay talaabo qaadayaan cidii kahor timaada oo aanan fulin amarkooda.

Maamulka Al-Shabaab ayaa horay ganacsatada ku sugan deegaanada loo barakacay waxaa ay ku amreen in ay bixiyaan lacago canshuur ah oo si joogta ah looga qaado maalin kasta illaa hada, taasi oo walaac ay ka muujiyeen ganacsatada amarkan cusubna uu yahay mid hor leh.

Qaar kamid ah ganacsatada deegaanadaasi ayaa iyagu sheegay in ay qorsheynayaan in ay u wareegaan ama u guuraan gudaha magaalada Muqdisho, maadaama aanay awoodin amarada ay dul dhigtay kooxda Al-Shabaab ee halkaasi ka arimisa.

SomaliSwiss Afgoye

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: