HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Shacabkii deganaa degmada Yaaqshiid ayaa maanta bilaabay olole nadaafadeed aad u ballaaran, kadib markii ay dib ugu soo laabteen guryahoodii ay ka qaxeen intii ay dagaalada socdeen, iyadoo inta badan xaafadaha dagmooyinkii  laga saaray malleeshiyaadka Al-Shabaab ay si aad ah u qariyeen geedaha loo yaqaan geed Yuhuudka.
Dadkii ayaa kadib markii ay guryahoodii dib ugu soo laabteen waxaa ay billaabeen in si iskaa wax u qabso ah ay u nadiifiyaan wadooyinka xaafadahaasi, si ay u soo celiyaan bilicdii xaafadaha ay ku nool yihiin, inkastoo guryaha qaar ay bur buriyeen madaafiicdii dagaalka.
Degmada Yaaqshiid oo kamid ah dagmooyinka ugu ballaaran gabolka Banaadir ayaa maanta waxaa ka bilowday howlgal lagu nadiifinayo xarunta dagmadaasi, taasi oo ay ka qeyb qaadanayeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, kuwaas oo saxaafadda lahadlay isla markaana sheegay in howlaha nadaafadda maanta laga bilaabay xarunta dagmada Yaaqshiid ay gaari doonaan dhamaan xaafadaha kala duwan ee dagmadaasi, wuxuuna intaasi ku daray in ololahani ay si iskaa wax u qabso ah uga qeyb qaadanayaan dad weynaha ku nool dagmadaasi .
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Taliyaha Saldhigga booliiska ee degmagaasi Gaashaanle Maxamed Maxamuud Yalaxow oo isna sheegay in amaanka dagmadaasi uu yahay mid aad u wanaagsan, isla markaana shacabka dagmadaasi ku amaanay in ay si wanaagsan ciidamada ugala shaqeeyaan dhanka amaanka, Nabadoon Garaad Xuseen Cageey oo hlkaasi ka hadlay ayaa shacabka degmadaasi ugu baaqay in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan maamulka degmadda oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid leh awood wax qabad.
Si kasta ha ahaatee ololahan nadaafadeed ee maanta ka billowday degmada Yaaqshiid ayaa qeyb ka ah dadaalka uu maamulka degmadaasi ugu jiro dib u soo celinta hannaanka nadaafadda iyo bilicdii degmadaasi, oo ka mid ah degmooyinka ugu ballaaran magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |