Advertisements

Dadweynaha ku dhaqan degmada Yaaqshiid oo bilaabay olole nadaafadeed ay ku gurayaan geedaha qariyay xaafadahooda.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

undefinedHalkaan ka akhri

Shacabkii deganaa degmada Yaaqshiid ayaa maanta bilaabay olole nadaafadeed aad u ballaaran, kadib markii ay dib ugu soo laabteen guryahoodii ay ka qaxeen intii ay dagaalada socdeen, iyadoo inta badan  xaafadaha  dagmooyinkii  laga saaray malleeshiyaadka Al-Shabaab ay si aad ah u qariyeen geedaha loo yaqaan geed Yuhuudka.

Dadkii ayaa kadib markii ay guryahoodii dib ugu soo laabteen waxaa ay billaabeen in si iskaa wax u qabso ah ay u nadiifiyaan wadooyinka xaafadahaasi, si ay u soo celiyaan bilicdii xaafadaha ay ku nool yihiin, inkastoo guryaha qaar ay bur buriyeen madaafiicdii dagaalka.

Degmada Yaaqshiid oo kamid ah dagmooyinka  ugu ballaaran  gabolka Banaadir ayaa maanta waxaa ka bilowday howlgal lagu  nadiifinayo xarunta dagmadaasi, taasi oo ay ka qeyb qaadanayeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, kuwaas oo saxaafadda lahadlay isla markaana sheegay in howlaha nadaafadda  maanta laga bilaabay xarunta dagmada Yaaqshiid  ay gaari doonaan dhamaan xaafadaha  kala duwan ee dagmadaasi,  wuxuuna intaasi ku daray  in ololahani ay si iskaa wax u qabso ah  uga qeyb qaadanayaan dad weynaha ku nool dagmadaasi .

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Taliyaha Saldhigga booliiska ee degmagaasi Gaashaanle Maxamed Maxamuud Yalaxow oo isna sheegay in amaanka dagmadaasi uu yahay mid aad u wanaagsan, isla markaana shacabka dagmadaasi ku amaanay in ay si wanaagsan ciidamada ugala shaqeeyaan dhanka amaanka, Nabadoon Garaad Xuseen Cageey oo hlkaasi ka hadlay ayaa shacabka degmadaasi ugu baaqay in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan maamulka degmadda oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid leh awood wax qabad.

Si kasta ha ahaatee ololahan nadaafadeed ee maanta ka billowday degmada Yaaqshiid ayaa qeyb ka ah dadaalka uu maamulka degmadaasi ugu jiro dib u soo celinta hannaanka nadaafadda iyo bilicdii degmadaasi, oo ka mid ah degmooyinka ugu ballaaran magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: