Agaasiamaha guud ee wasaaradda Garsoorka oo maanta sheegay in la fulinayo hadalka wasaaradda Garsoorka…

undefinedHalkaan ka akhri

Agaasiamaha guud Wasaaradda Garsoorka, Owqaafta, Cadaallada iyo arrimaha Diinta ayaa sheegay in maanta ay billbaneyso fulinta hadalkii horey ay wasaaradu u jeedisay ee ahaa in aan la furi karin xilliyada salaada goobaha ganacsiga.

Sheikh Maxamed Aadan Khayroow oo la hadlayey Warbaahinta Muqdisho in maanta oo ah maalin Jimco ah in la fulin doono arrinta ku aadan in aan la furi karin goobaha ganacsiga iyo meellaha kaleba waqtiga salaada, waxa uu xusay in arrinkaasi uu xil wayn ka saaran yahay wasaaradda in ay bulshada ku booriso.

Agaasiamaha guud Wasaaradda Garsoorka, Sheikh Maxamed Khayroow ayaa tilmaamay in ay fulinta arrintaasi ay horey wasaaradda u soo jeediyay ay fulin doono hay’addaha ku shaqada leh gaar ahaan ciidamada Booliska ee uu sheegay in ay u gudbisay wasaaradda iyaga iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Si kasta ha ahaatee arrintan ayaa ku soo beegmayso xilli ay lagu gudda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan, islamarkaana dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ay si weyn uga faa’ideysanayaan Ajarka badan ee  ay leedahay bisha Ramadaan.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: