Advertisements

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab oo sheegay in ciidamadooda wali ay ku sugan yihiin gudaha magaalada Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheikh Cali dheere ayaa sheegay in ciidamadooda wali ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, wuxuuna  dowladda KMG Soomaaliya ku eedeeyay inay boob ku heyaan hantida shacabka.

 Sheikh Cali  Max’ud Raage (Cali dheere) oo ah Afhayeenka Xarakada Al Shabaab oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu ku eedeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya inay boob u geystaan hantida ay leeyihiin dadka shacabka ee suuqyada magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Bakaaraha.

Sidoo kale Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab wuxuu sheegay in ciidamada dowladda KMG ay dhac iyo baarasho  ka geystaan suuqyada magaalada Muqdisho islamarkaana uu ujeedkooda yahay sidii ay u dhibaateen lahaayeen dadka rayid ah,  waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay difaacdaan hantidooda si aysan u boobin ciidamada dowladda sida uu yiri.

Ha yeeshee Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheikh Cali dheere wuxuu todobaadkii la soo dhaafay uu sheeciyay in gabi ahaan Al Shabaab ay ka baxeen magaalada Muqdisho ayaa hadana waxa uu tilmaamay in ciidamadooda aysan ka bixin Muqdisho oo uu sheegay in aysan ka baxi doonin,  waxaana uu ku cel celiyay inay sii wadi doonaan dagaaladda ay kula jiraan dowladda iyo AMISOM.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay boob ku hayaan hantida suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyo suuqyada kale hadana Saraakiil ka tirsan dowladda oo la hadlay Saxaafada waxa ay sheegeen in wax boob  ah aan loo geysan hantida Bakaaraha oo ay sheegeen in askarigii isku daya falkaasi ay ku fulinayaan xukun dil ah.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: