Xaruntii Wasaaradda Boostada oo lagu wareejiyay mas’uuliyiinta wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta.

WASAARADDA BOOSTADA IYO ISGAARSIINTA

undefinedHalkaan ka akhri

Dhismaha xaruntii Wasaaradda Boostada Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo ku taal degmada Boondheere, isla markaana bartamaha ugu taal Dhismayaal Dowladeed oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Xarunta Wasaaradda Warshadaha, xarunta Wasaaradda waxbarashada iyo Barbaarinta, sidoo kale waxaa ku dhegan xarunta Wasaarada Arimih Gudaha iyo Hotelka Juba oo dhanka waqooyin uga aadan iyo Safaaradii Ruushka.

Wasaaradda Boostada ayaa waxaa maanta lagu wareejiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta oo uu hor kacayay Wasiir ku xigeena wasaaradda C/llaahi Bile Nuur, waxaana ku wareejiyay Mas’uuliyiin ka tirsan heyada nabad sugida Qaranka.

Gaashaanle Dhexe Khaliif Axmed “Ereg” ayaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay, waxaa uuna ksheegay in muda dheer ay gacanta ku hayeen xarunta oo ay amaankeeda sugayeen.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada C/llaahi Bile Nuur oo isna goobtaa ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradu ay ku shaqeyn doonto xarunta maanta ay la weereegen oo muda aynan Wasaaradu Gacanta ku heyn.

Xarunta Wasaaradda Boostada oo dayactir lagu sameeyey sanadkii 2008 ayaanay  saameeynin dagaaladii ka dhacayay degmooyinka Boondheere, C/casiis, iyo Shibis, dhismaha xarunta ayaanay ka muuqan wax bur bur ah, marka laga reebo rasaas iyo madaafiic ku soo dhacaday.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: