Ururka Midoowga Afrika oo ka hadlay ka bixitaanka Xarakada Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho.

undefinedHalkaan ka akhri

Ururka Midowga Afrika ayaa ka hadlay ka bixitaankii   kooxda Shabaab ee magaalada Muqdisho iyo guullahii ay gaarayn ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Xarunta Midoowga Afrika ee Adis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa ka soo baxay war qoraal ah oo lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay guul gaartay, kaddib howlgalkii magaalada Muqdisho ay si wada jir uga fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM taasi oo soo dadajisay in kooxda Shabaab ay ka baxdo goobihii dagaal ee magaalada Muqdisho.

Qoraalkan ka soo baxay Ururka Midoowga Afrika ayaa lagu muujiyay in muddo la diyaarinayay qaabkii kooxda Shabaab looga xureyn lahaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho taasi oo ay si wada jir ah u diyaariyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midoowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu xusay in dhawaan la qaban doono kulan looga hadlayo guullihii ay gaarayn ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulan sidoo kale looga hadli doono xaalada abaaraha iyo bini’aadinimada.

Dhanka kale War murtiyeedkan Midoowga Afrika ayaa loogu baaqay caalamka  in gargaar lala gaaro dadka ku sugan meellaha laga saarayo kooxda Shabaab gaar ahaan gobollada dalka Soomaalliya oo ay ka taagan tahay xaalada bibi’aadinimo oo aad u daran.

Si kasta ha ahaatee warka qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska Ururka Midoowga Afrika ee ku yaala magaalada Adis Ababa ayaa ku soo beegmaya xilli ay isaga baxeen magaalada Muqdisho Urur diimeydka xarakada Al-Shabaab, iyadoo dhinaca kale  dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa ciidamada AMISOM ay wado dadaal ay ku dhamaystiteyso ammaanka dalka.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: